iQaahira(ANN)Kacdoonnada  ayaa sii xoogaysanaya ee dalka Masar oo shacabku sii wadaan weli, iyagoo xidhay wadooyinka waaweyn ayaa sababay inay qoyskii Madaxweyne Xusni Mubaarik si qarsoodi ah uga baxaan dalka.   Bandow  lagu soo rogay dalka ayaa u muuqda mid fashilamay, isla markaana

 

ciidmadda milateriga ayaa gamcaha ka laabtay inay muquuniyaan shacabka,  iyadoo ay dadweynuhu  weli  taagan yihiin wadooyinka waaweyn ee magaalooyinka Masar.

Xaaladda ayaa weli u muuqata mid kacsan, iyadoo kacdoonadu galeen maalintii 4-aad. Mubaarik waxa uu gebi ahaanba kala diray dawladiisa, balse taasi ma noqon mid xaaladda dejisa. Waxaana bandowdaa lagu dhawaaqay markii Madaxweyne Mubaarik kala diray dawladiisa. Isla markaana Ciidamadu waxay kordhiyeen saacadaha bandowga, iyagoo ka dhigay  Laga billaabo afarta galabnimo ilaa iyo siddeedda subaxnimo ayay amar ku bixyeen in magaalooyinka Qaahira, Alexandria iyo Suez aan qofna dibad u soo bixin. Laakiin taasi ma suurta gelin, waxaana sii socda mudaharaadyada oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah, qaar kalena ku dhaawacmeen.

Warar lagu baahiyay wakaaladaha Wararka AP,AFP oo lagasoo xigtay TV-ga caalamiga Aljazeera ayaa xaqiijinaya in si dirqi ah ay magaalada Qaahira uga baxsadeen xaaskii Madaxweyne Mubaarak Suzaana iyo labada wiil oo uu dhalay kuwaasi oo kala ah Ghala’ iyo Jamaal mubaarak.
Madaxweynaha liiq-liiqanaya  ee Masar wuxuu K/xigeenkiisa 1-aad u dhaariyay General Cumar Suleymaan  oo ahaa madaxii sirdoonka ciidanka Masar,  islamarkaana ah sarkaal xaidhiidh  wanaagsan laleh Yahuudda.
Ciidanka Booliska wadanka Masar ayaa u dhacay Xabsi siyaasadeed oo ku yaal magaalada Alexandria waxayna,  halkaa ku toogteen sida ay wararku sheegayaan ilaa iyo 8 qof oo ahaa maxaabiistii Xabsiga, iyadoo maxaabiistu taa kaga jawaabeen gadood ay sameeyeen maxaabiista.

Cadaadiska ayaa kusii xoogaysanaya madaxweynaha Masar oo qudhiisa u muuqda Nin kasii quusanaya talada wadankaa  oo uu muddo 30 sannadood  ah  xoog ku haystay,  isagoo nolosha ugu saraysa wadanka gacanta u geliyay qoyskiisa.
Maxamed  El-Baradici oo ah Siyaasi mucaarad ah ayaa warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne  Mubaarik uu is casilo,  ama uu caddeeyo in aanu  mar kale isu taagi doonin doorasho.

Araweelonews Mobile Qahira

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *