Maamulka C/raxmaan Faroolle.
Wasiirada shaqada laga eryay ee xilka laga qaaday waxaa ka mid ah Wasiirkii Warfaafinta C/xakiim Axmed Guuleed oo ahaan jirey Wadaad mayal adag. Ka hor intii aanu u diga rogan dhinaca Siyaasadda ee aan xilkaa loo magcaabin dhamaadkii 2009, taas oo ka danbaysay markii wasiirkii ay isku haybta ahaayeen ee Seefta Banaanka lagu diley Magaalada Gaalkacayo badhtamihii 2009-kii, wuxuuna wasiirkani ahaa mudadii uu xilka hayay Afhayeenka Maamulka Puntland ee Faroolle.
Sidoo kale waxaa Wasiirnimadda laga qaaday xilka waxa ka mid ah Wasiirkii Duulista iyo Garoonadda Axmed Garaash, Wasiirkii Ciyaaraha Maxamed Nuur Caga-weyne, wasiirkii Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Xasan Cabdi Maxamed.
Wareegtada Maamulka Puntland waxaa kaloo ku cadayd wasiiro cusub oo loo magacaabey wasaaradahaa iyo wasiiro ku xigeeno, iyadoo aanay dadka deegaanka maamul goboleedka Puntland fahmin ujeedada wasiiradda shaqada laga eryay iyo waxa keeney isbedelkan oo ay dadka qaarkood u arkaan mid deg deg ah.
Wasiirada cusub iyo kuxigeenada cusub ee Maamulka Puntland magcaabay ayaa magacyadoodu yihiin sidan:
1. Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada; Cali Axmed Gamuute
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta; Axmed Cali Askar
3. Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka; Eng.Maxamuud Xaaji Saalax
4. Wasiirka Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga; C/weli Xirsi Cabdulle Indho-guran.
5. Wasiir Kuxigeenka degaanka,duurjoogta iyo Dalxiiska; Burhaan Cilmi Xirsi
6. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada; Faarax Seed Cilmi
7. Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka ; Axmed Cigaal Cawaale
8. Wasiir kuxigeenka Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga; Cismaan Cawad Cali
9. Wasiirka Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada; Maxamuud Maxamed Idris
10. Wasiir kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka; Faarax Cali Cabdi
Araweelonews Mobile Puntland Office