south sodan juba1Juba(Araweelo News Network)Madaxweynaha Koonfurta Soodaan Salva Kiir ayaa ka badbaaday inqilaab Milateri. Kadib markii xalay dagaal culus ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee dalkaa.

Madaxweyne Salva Kiir oo warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadiisu fashgiliyeen koox doonaysay inay xukunka kula wareegaan Inqilaab, wuxuuna ugu baaqay dadka in aanay guryaha kasoo bixin oo ay is dejiyaan.

Dad goob joog ah ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Madaxweyne Salva Kiir ay buuxdhaafiyeen magaalooyinka, gaar ahaan Magaalada xarunta ah ee Jubba.

Wararka qaar baa sheegaya in aanay xaaladu deganayn oo aan laysku halayn Karin, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo sokeeye ka dhacaan halkaa.

Waxaana jira walaac isa soo taraya oo dalalka Reer galbeedka sida Maraykanka iyo Britain oo safaarada ku leh dalkaa ay ka cabsi qabaan in dhibaato soo gaadho dadkooda.

Rabshadaha iyo isku dayga inqilaabkaayaa ka danbeeyay ka dib markii Madaxweyne Salva Kiir gebi ahaanba kala diray July 2013,  golihiisa wakiisarada iyo ku xigeenkiisii Riek Machar, kaas oo hormood u ah inqilaabka la doonayay in xukunka lagaga tuuro Salvadir.

Waxa magaalooyinka qaar ka bilaabmay qax iyo dadku in ay ka baxaan guryohooda, kuwaas ka cabsi qab in xaaladu isu bedesho dagaal dhexmara Madaxweyne Salvadir iyo saaxiibkiisa Riek Machar ee ay mudada dheer kusoo wada jireen halganka gobnimadoonka ee jabhadii ay madaxda u ahaayeen ee SPLM, taas oo suurta gelisay in  dalka koonfurta Soodaan uu madaxbanaanidiisa ka qaato Soodaan 2011.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *