Saax-dheer(Araweelo News Network)Hoggaamiyaha Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa ku faanay in dagaalka iyo qaska ay ka wadaan

 

xuduudaha Somaliland ay sii wadayaan, haddii xataa ay colaaddu gadhay labaatan sanadood, wuxuuna iclaamiyay abaabul hor leh iyo weeraro uu sheegay in ay ku qaadayaan ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan xuduudaha dhinaca bariga iyo deegaamada Laascaanood iyo Buuhoodle.

Galaydh, wuxuu ku faanay taageero uu sheegay in ay ka helaan kooxdooda Khaatumo dawlada Ethiopia iyo Beesha Caalamka oo uu sheegay in ay sabab u yihiin joogitaankooda deegaamadaa iyo in ay sii wadaan wuxuu ugu yeedhay halgan ay ku xoraynayaan deegamadaa, balse ma uu sharxin taageerada ay ka helaan Dawlada Ethiopia iyo Beesha Caalamka inta ay leegatahay iyo nooca ay tahay.

Galaydh, wuxuu si gaar ah u weeraray wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan, isagoo ku andacooday inuu masuul ka yahay jawaabaha Ciidanka Qaranka Somaliland ka bixiyaan weerarada malayshiyadooda iyo firxadka ay ku jiraan isaga iyo kooxdiisa nabad-diidka ah inuu masuul ka yahay Xirsi oo ay mxakamad u gudbinayaan.

“Waxaad oggaataan in aan waar dagaalka aan dedejino dagaalkii Ingiriiska aan la galay dagaal la yaqaan ayuu ahaa, dawladii Somalia ee ina soo maray Maamulka Siilaanyo wuxuu dadkan baday taariikhda nama soo marin mana ilaawayno, waxanaana u gudbinay Maxkamad caalami ah oo war u ururinaynaa, waxa halkan ka socda umma haysano eedooda Siilaanyo iyo Isaaq iyo habarjeclo toona uma haysano, waxaan u haysanaa Xirsi (Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland) iyo inta uu duufsaday ayaan u haysanaa.

Dadka la xidh xidhayo ee xabsiyada ku jira iyo dadka lagu laynayo Laascanood iyo Caynaba waxa socanaya oo dhan waxaan u haysnaa Xirsi” ayuu yidhi Galaydh oo koox yar oo dad reer guuraa ah iyo kuwo ka tirsan Malayshiyada Khaatumo kula hadlayay deegaanka hawdka fog ee dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Laascaanood ee koxdiisu ku dhuumaalaysanayaan.

Cali Khaliif Galaydh, wuxuu kasoo laabtay deegaanka Bur-tinle oo sida uu sheegay ay heshiis iyo wadahadal ku lahaayeen Maamul Goboleedka Puntland, waxaana hadalkiisa uu ku muujiyay in ay taageero u fidinayaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland oo ay Cusbitaalo la geeyo dhaawacooda iyo waxyaabo kale kala soo hadleen.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan Somaliland ka hor inta aanay weeraro hor leh qaadin, balse waxa uu sheegay in wadahadalku dhinacooda yahay sidii Ciidanka Somaliland uga bxi lahaa deegaamadaa. Haddii taas la waayona ay diyaar u yihiin collaad iyo dagaal aan dhamaan xataa haday qaadanay labaatan sanadood oo ay wax walba u hurayaan.

“Magaaladan iyo dhulkan aynu joogno, waxaa inoogu hiiliyay oo kow ka ah Dalka Ethiopia iyo Beesha Caalamka ee waa inaa oggaataan, waxa keliya oo ay u baahan yihiin in la duqa-duqeeyo ee cagga kuma taagna (Somaliland), waxaan Caruurtayada ku ababinaynaa Collaadda aad Manaahijtiina ku qorteen ee Iskuuladiina ku dhigaysaan.”ayuu yidhi.

Galaydh wuxuu ka hadlay Gaadhi uu lahaa oo Ciidanka Qaranka Somaliland gacanta ku dhigeen dhawr Todobaad ka hor, wuxuuna sheegay in aan gaadhigaa oo amaano ku ahaa wax Dukumenti ah oo Khaatumo leedahay aanu saarnayn, balse uu la yaabay sababta gaadhigiisa loo qabsaday, isagoo arrintaa ku tilmaamay mid fududaynay in gaadiidka shacabka la dhaco.
info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *