Ceergaabo(ANN)Koox dablay ah ayaa jidgooyo u gashay gaadhi ay lahayd shirkada Jaadka ee 571 duleedka magaalada ceel-afweyn ee dhinaca wadada isku xidha Ceergaabo iyo ceel-afweyn shalay, kuwaas oo gaadhiga qaadka oo ay khasab ku joojiyeen

 

kala degey sadex baag oo Jaad ah. sida ay shebekada wararka ee araweelonews u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan deegaanka kooxda Jaadka jidgooyada u gashay oo uu watay Nin ka mid ahaa dadka ka ganacsada Jaadka oo wakiil hore ugu ahaa  Shirkadda Jaadka ee SOOFE , balse markii danbe ay heshiis wada galeen shirkada tartanku ka dhexeeyo ee Jaadka 571. kadib muran dhexmaray uu sababay in Ninkaa iyo koox dablay ah oo uu watay shalay ku kacaan ficilkaa jidgooyada ah, kuwaas oo  kula degay sadex baag oo qaadka shirkada 571.markii ay joojiyeen meel kadhad ah oo u dhaxaysa wadada rafka ah ee isku xidha Ceergaabo iyo Ceel-afweyn.

Hase yeeshee sida ay wararka ka imanaya gobolka Sanaag sheegeen Taliyaha  Booliska Gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil (Gacmayare), oo watay ciidan Booliska ka tirsan ayaa tegey magaalada Bixin oo dhinaca Buurta ka xigta Ceel-afweyn oo ay kooxda Jaadka jidgooyada u gashay la tageen Jaadka ay kala degeen gaadhoga shirkadda 571, isagoo doonayay inuu soo qabto koxdaa, balse waxa hawlgalkaasi sababay dhimashada marxuum Maxamed Axmed Burle oo ahaa qof shicib ah oo ku geeriyooday tacshiirado rasaas ah oo  hawlgalkaa ay isku weydaarsadeen ciidanka Booliska iyo dablayda jaadka jidgooyada u gala, kaas oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Cusbitaalka Ceergaabo, balse maanta ku geeriyooday sida ay noo xaqiijiyeen dad ehelkiisa ah oo shebekada wararka ee araweelonews xaaladiisa wax ka weydiisay.. sidoo waxa qof kale ayaa dhaawac kasoo gaadhay hawlgalkaa oo ay Taliyaha Booliska sanaag iyo ciidanka uu watay ku guuldareysteen inay gacanta ku dhigaan kooxdaa, iyadoo ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan in Taliyaha Ciuidanka Boolisku iska dhega tiray qorshe la doonayay in xal nabadgelyo ah loogu helo arrintaa oo ay gacanta ku hayeen kooxo Odayaal ah, kuwaas ku dooday in aan loo baahnayn hawlgalka Booliska maadaama ay arrintu dhowdahay oo ay gacanta ku hayaan si nabad ah.

Dhinaca kale Taliyaha Booliska Gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil (Gacmayare) ayaa dhiniciisa u sheegay saxaafada inay khasaare ka dhashay hawlgal ay ciidan uu watay doonayeen inay kusoo qabtaan kooxda qaadka dhacday, uu sababay dhaawac soo gaadhay laba qof oo mid ka mid ah uu ku tilmaamay inuu qayb ka ahaa dablayda iyo qof shicib ah. kadib markii sida Taliyaha Boolisku sheegay  rasaas kooxda jaadka dhacay ay rideen, iyagoo tacshiirado rasaas ah ku riday ciidanka uu watay ee Booliska.

Taliye Gamca-yare wuxuu ku dooday  in kooxda dhaca jaadka geysatay ay ka mid ahaayeen ciidanka qaranka ee ku sugan Saldhiga Bixin, kuwaas oo uu sheegay in labada qof ee dhaawacyadu soo gaadheen midkood ka tirsanaa ciidanka jaadka u galay jidgooyada, halka qofka kalena uu ku sheegay Nin Oday ah oo shicib ah. balse  wuxuu qiray in aanay ku guulaysan inay soo qabtaan kooxdaa, isla markaana gaadiidka ay ciidanka Boolisku wateen uu khasaare soo gaadhay.laakiin ma sheegin sababta keentay khilaafka kooxda jidgooyada Jaadka u gashay ku dhalisay inay la xidhiidho loolan iyo khilaaf u dhexeeya shirkadadaha qaadka geeya gobolka Sanaag iyo inay la xidhiidho arrimo kale, wuxuuna tilmaamay inay kooxda jaadka u gashay jidgooyada ahaayeen kuwo ka tirsan ciidanka Qaranka ee saldhiga tababarka ku leh magaalada Bixin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *