Djibouti(ANN)Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maqaam sare oo kal iyo laab ah ku qaabilay dhigiisa Madaxweynaha Somaliland   Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu Hoggaaminayo oo socdaal gaaban

 

maanta ku tegey dalka Djibouti.

Kadib markii Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadiisa  Khadra Maxamuud Xayd ay wefdiga Madaxweynaha Somaliland kaga hortageen madaarka, iyadoo loo dhigay rooga cas ee lagu maamuuso Hoggaamiyeyaasha dhigiisa ah ee booqashada ku taga dalkaa.

Sidoo soo dhowaynta Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka qayb galay Ciidanka Muusiga ee (Baamboyda) Djibouti iyo Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, isla markaana ah Afhayeenka xukuumadda Djibouti Cabdi Xuseen Axmed iyo Wasiirka diinta iyo awqaafta Djibouti  Xaamud Cabdi Suldaan.

Madaxweyne Siilaanyo markii lagu soo dhoweeyay Madaarka dalka Djibouti waxa lagaga qaaday halkaa baabuurta khaaska ah ee Madaxtooyada, iyadoo caawa casho sharaf loogu sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa Huteelka Kaambiski ee magaaladda Djibouti.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qayb gelaya kulan lagu qabtay dalkaa oo ku saabsan horumarinta Afsoomaaliga oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka PEN ee qorayaasha Soomaalida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *