Djibouti(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qudbad ka jeediyay kulan balaadhan oo lagu xusayo afartan-guuradii kasoo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga oo maanta lagu qabtay Huteelka

Kaambiski ee Magaaladda xarunta u ah Dalka Djibouti.

Munaasibada xuskaa waxa kale oo hadalo ka jeediyay Madaxweyneyaasha dalalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti geliyay kulankaa Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah ka qaybgalayaasha. sidoo kalena waxa kulankaa lagu marti qaaday aqoonyahano iyo masuuliyiin sare oo ka socday dalalka Geeska Afrika ee ku hadla Afsoomaaliga.

Madaxweynaha Somaliland  Axmed (Siilaanyo), oo ka hadlayay kulankaa ayaa u mahad celiyay dawladda Djibouti ee soo qabatay  xuska balaadhan ee loo sameeyay 40-guuradda ka soowareegtay qoraalka Afsoomaaliga.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la horumariyo,  isla markaana bulshadu ilaashato afkooda hooyo ee hodonka ah, wuxuuna xusay  in markii la qorayay afsoomaaliga uu ka mid ahaa madaxdii tallooyinka laga weydiiyay isagoo waqtigaa ahaa Wasiirkii Qorshaynta dalkii  Soomaaliya, isla markaana uu ka mid ahaa dadkii ku dhiirigeliyay aqoon-yahanadii qorayay luqada Soomaaliga.

Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti galiyay kulankaa ayaa sheegay in Qoraalka Luuqada Soomaaligu uu meelo badan ka sameeyay horumar, wuxuuna qiray in dhinaca kalena uu dib u dhacyo dhinacyo badan lihi ku yimi Af-soomaaliga. sidaa awgeed loo baahan yahay sidii xal midaysan looga gaadhi lahaa wax kasta oo saamayn ku yeesha horumar ay samayso Luuqada Soomaaligu.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxdii hadalada ka jeedisay munaasibadaa ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Djibouti iyo shacabkiisa ,wuxuuna ku amaanay doorkii ay ka soo qaateen Hormarinta Afka Soomaaliga.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigey Qaamuus aad u weyn oo ka kooban “Todobaatan Kun oo Eray” oo Soomaali ah,  isla markaana Soomaali lagu sharxaayo, iyadoo Qaamuuskan lagu sheegay inay hawshiisu  qaadatey muddo dheer oo ka badan 2 sannadood, kaas noqonaya qaamuus laga helayo eray kasta oo Soomaali ah mid la macno ah,ama  u dhigma.

Kulankaa AfSoomaaliga oo lagu qabtay Hotelka Kambisi ee Magaalada Djibouti waxaa kaalin weyn ku lahaa ururka qorayaasha iyo hal-abuurka ee lagu magacaabo (Somali Pen), waxaana ka qaybgalay xubno ka mid ahaa Shakhsiyaadkii qaybta weyn ka soo qaatay qoraalka afka Soomaaliga 40-sannadood ka hor markii la qoray Afsoomaaliga 1972.

Inkasta oo kulanku ahaa mid aan shaqo ku lahayn arrimaha Siyaasada, isla markaana uu socon doono mudo shan maalmood ah, wuxuu noqday madashii u horaysay ee ay kulmaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna labada masuul isku salaameen dhoola cadayn iyo weji furan kulankaa oo ahaa mid labadoodaba lagu marti qaaday, iyagoo is weydaarsaday ereyo kaftan ah,  balse lama oga inay labada masuul uga faa’idaysan doonaan kulankaa arrimaha labada dal ee dhinaca siyaasada iyo inay isla soo qaadi doonaan wadahadaladii u dhexeeyay ee beesha caalamku dabada ka riixaysay, kuwaas oo ay xukuumadda Somaliland la bilawday xukuumaddii Madaxweyne Shariif ee lagaga adkaaday doorashada, balse ay xukuumadda Xsan Sheekh Maxamuud marar badan ku cel celisay inay sii wadayso sidii natiijo looga gaadhi lahaa wadahadaladaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *