Buuhoodle(ANN) Dagaal saaka ka dhacay Deegaanka Kalshaale ee duleedka  Buuhoodle ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhawaac ah. Kadib markii laba kooxood oo dadka deegaanka ahi isku dhaceen, kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyay isku khilaafsanaa Ceelal Baliyo iyo Berkado ah

oo laga qoday halkaa.
Wararka ka imanaya Deegaanka Kalshaale ayaa sheegaya in dagaalkaa ay ku dhinteen ilaa inta la ogayhay 7 qof oo ka tirsan dhinacyada ku dagaalamaya halkaa, iyadoo  ay ku dhawaacmeen ilaa 9 qof. Kooxaha ku dagaalamaya halkaa ayaa dhinacyada deegaamada Miyiga ee ay kasoo kala jeedaan ka helay gurmad.
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin xaalada deegaanka dagaalku ka dhacay,  balse warar laga helay saraakiisha Milateriga Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ayaa u sheegay Shebekada wararka ee Araweelonews in lagu amray Ciidanka inay kala dhexgalaan dadka deegaanka ee dagaalku dhexmary, si aanay xaaladu faraha uga bixin.  Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalkii istaagay maanta duhurkii, iyadoo ay dadka deegaamada ku dhow dhow goobta dagaalku ka dhacay ka cabsi qabeen inay xaaladu faraha ka baxdo oo uu dagaalku saameeyo, ama ku fido deegaamada kale ee labada dhinac wada degaan.
Dhinaca kale waxa jira dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka taagan deegaanka ee sabatay dagaalka khasaaraha geystay.
.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *