Hargeysa(Araweelo News Network)Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, isla markana ah Wakiilka khaaska ah iyo Madaxa Xafiiska AMSOM ee

 

cusub, ayaa si badheedh ah u shaaciyay in Somaliland taageertay nidaamka Federaalka, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyey boggiisa internet-ka ee Twitter-ka 22 August 2014. Laba maalmood ka dib markii uu dhamaystay booqasho uu ku yimi Somaliland, isagoo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, hogaamiyayaasha xisbiyada iyo Ururadada Bulshada.

“Toddobaad dheer ayaan safar ku joogay Puntland, Somaliland, Ethiopia iyo Kenya. Dhammaantood waxay taageereen federaalka Soomaaliya, iskaashiga Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo ololaha lagula dagaallamayo argagixisada,” ayuu ku yidhi Nicholas Kay qoraalkiisa barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Sidoo kale suxufi ka tirsan hay’adda warbaahineed oo magaceedu yahay City Press oo xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay weydiiyey waxa uu uga jeedo in Somaliland taageersan tahay nidaamka federaalka Soomaaliya, wuxuuna Mr. Kay ku jawaabay; “Markii aan joogay Hargeysa waxaan maqlay in Somaliland ku adag tahay madaxbannaanineeda, basle ay sidoo kalena taageersan yihiin hannaanka dhismaha Soomaaliya ee heer gobol.

Laba maalmood ka dib qoraalka Ergayga Qaramada Midoobay ku baahiyay Twitter-ka, waxa sidoo kale  Madaxweyne Siilaanyo, qoraal uu ku baahiyey twitter-kiisa 24 August, kaas oo uu  ku sheegay in aanay dawladda Somaliland oggolayn inay martigeliso xafiiska siyaasadda Qarammada Midoobay ee UNSOM, kaas uu madax ka yahay Mr. Nicholas Kay oo ah wakiilka gaarka ah ee Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

“Somaliland waxay sii wadaysaa inay dhinacyada horumarka kala shaqayso Qarammada Midoobay, laakiin Somaliland martigelin mayso xafiiska siyaasadda ee UNSOM,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa kooban, balse sooma hadal qaadin waxa ka jira hadalka Nicholas Kay ku sheegay in Somaliland oggoshay nidaamka federaalka Soomaaliya iyo ujeeddada arrintaas ka dambaysa.

Mana jirto jawaab cad oo ay xukuumadda Somaliland ka bixisay dhawaaqa Mr. Kay, oo mugdi gelisay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo qaranimada Somaliland, balse Madaxtooyada Somaliland iyo  wasaaradda Arrimaha Debeda, ayaa ku cel-celisay in ay aqbashay Somaliland qayb ka mid ah xafiiskaa oo ah qaybta gargaarka, taas oo u muuqata mid ka fog xaqiiqda marka la eego qaab dhismeedka xafiiska UNSOM, ujeedada laga leeyahay iyo qorshayaasha uu fulinayo ee siyaasadeed.

Qoraalka kooban ee  Ergayga Qarammada Midoobay, ayaa soo shaacbaxay maalmo ka dib markii shebekada wararka Araweelonews tan iyo booqashadii Nicholas Kay ku yimi Somaliland bulshada usoo bandhigaysay Faallooyin iyo warbixino xanbaarsan ujeedada xafiiska qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo ay xoggo iyo macluumaad la xidhiidha oo lagu soo bandhigay Faallooyinka iyo warbixinahaa diirada lagu saaray khatarta xafiiskaa oo xukuumadda Somaliland aqbashay ku yeelankaro mustaqbalka siyaasadeed iyo qaranimada Somaliland.

Halkan Ka Akhri Ujeedada iyo Waajibaadka Xafiiska UNSOM.

Halkan Riix Maxaa sababay Aqbalaada Xiligan Somaliland Ee Xafiiska UNSOM.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *