abdo rabo mansoor1Sanca(Araweelo News Network) Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan haybtooda ayaa badhtamaha magaalada sanca ee xarunta Yemen ku toogtay Cabdil Wahaab al-uneysi oo ahaa ku xigeenka

 

xisbiga al-islaaxa dalkaa, kaas Ururkaa u metelayay shirka qaran ee dib u heshiisiinta dalka Yemen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hogaamiyaha Al-islaax uu soo gaadhay dhaawac, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaal ku yaal Sanca.

Weerarka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay mudooyinkan dalka Yemen ka jiraan shirqoolo dilal lala beegsanayo dadka siyaasiyiinta ah, Koox hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa agagaarka qasriga madaxtooyada Sanca weerar ku fuliyay bishii lasoo dhaafay wakiilkii xuutiyiinta axmed sharafudiin, kaas oo ku nafwaayay weerarkaa.
Madaxweynaha dalka Yemen Cabdow Rabih Haadi Mansuur ayaa ku hanjabay in uu adkeyn doono ammaanka Yemen, dhaleeceeyay dilalka siyaasiyiinta taabacsan Ururka xuutiyiinta oo maalmihii lasoo dhaafay lagu beegsanayay wadanka Yemen, wuxuuna balanqaaday in uu wax ka qabanayo, isla markaana ciidan badan uu ku daadi doono magaalooyinka,
Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Yemen Cabdow Rabih Haadi Masnsuur ayaa qiray in maamulkiisu uu ku fashilmay arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta wuxuuna soo hadal qaaday musuq maasuqa iyo hoos u dhaca dhinaca dhaqaalaha,  isagoo farta ku goday in xukuumadiisu ay xilka qabatay iyadoo Baanka dhexe ee dalku faaruqay, taas oo uu ku eedeeyay saraakiishii xukuumaddii hore ee Cali Cabdalla Saalax ee talada uu kala wareegay.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *