drones1Nairobi(Araweelo News Network)Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay Diyaaradaha Drones-ka iyo Helikopters u adeegsan doonto Dagaalyahanadda Alshabaab ee kasoo

 

tallaaba Xuduudka ay la wadaagto Somalia.

Sidaana waxa lagu sheegay warbixin cusub oo ay Wasaaradda Difaaca ee Kenya soo saartay, taas oo lagu xusay in la kordhinayo Miisaaniyadda Kharashka ku baxa Ciiddamadda dalkaasi ee loo yaqaan KDP, si loo xoojiyo Awoodooda Milateri. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in kharashka Ciiddamadda la kordhin doono shanta sanno malaayiin dollar oo lacagta Maraykanka ah, isla markaana la gaadhsiiyo adduun dhan 5.5 Billion oo Dollar.

Kharajkaasi ayaa lagu wadaa in lagu casriyeeyo Qalabka ay Ciiddamadda Kenya u adeegsadaan Sugidda Ammaanka Xuduudaha iyo Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalyahannadda Kooda Al-shabaab ee ka tirsan Ururweynaha Al-Qaida, kuwaas oo laf dhuun gashay  ku noqday Ammaanka Guud ee Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in Mashruuca lagu casriyeynayo Qalabka Milliteri ee Ciiddamadda Kenya oo loo adeegsan doono La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda iyo kuwa ka shaqeysta Ganacsiga Hubka, Daroogadda iyo Tahriibka.

Sidoo kale Wasaaradda Difaaca ee Kenya waxay Warbixinteeda ku xustay in Diyaaradaha Sahminta iyo basaasnimada  loo adeego ee Droneska, Helikopterro iyo Gawaadhidda Gaashaaman lagu xoojin doono Ciiddamadda ku sugan Xuduudka Somalia,

Alshabaab waxay labadii sanno ee ugu dambaysay kordhiyeen Hawlgalladda Qorsheysan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalladda Nairobi iyo Goballadda Woqooyi bari ee Kenya, waxaana si weyn dalka Kenya saamayn ugu yeeshay weerarkii u danbeeyay ee Al-shabaab ka fulisay dhamaadkii sanadkan xarunta ganacsiga ee Westgate, iyadoo ay Ciidamada Kenya ku fashilmeen in ay xaqiijiyaan kooxdii fulisay weerarkaa tiradooda iyo halka ay danbeeyeen.
Arraweelo.com@gmail.com

 

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *