Sanca(Araweelo News Network) Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan haybtooda ayaa badhtamaha magaalada sanca ee xarunta Yemen ku toogtay Cabdil Wahaab al-uneysi oo ahaa ku xigeenka
xisbiga al-islaaxa dalkaa, kaas Ururkaa u metelayay shirka qaran ee dib u heshiisiinta dalka Yemen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hogaamiyaha Al-islaax uu soo gaadhay dhaawac, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaal ku yaal Sanca.
Weerarka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay mudooyinkan dalka Yemen ka jiraan shirqoolo dilal lala beegsanayo dadka siyaasiyiinta ah, Koox hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa agagaarka qasriga madaxtooyada Sanca weerar ku fuliyay bishii lasoo dhaafay wakiilkii xuutiyiinta axmed sharafudiin, kaas oo ku nafwaayay weerarkaa.
Madaxweynaha dalka Yemen Cabdow Rabih Haadi Mansuur ayaa ku hanjabay in uu adkeyn doono ammaanka Yemen, dhaleeceeyay dilalka siyaasiyiinta taabacsan Ururka xuutiyiinta oo maalmihii lasoo dhaafay lagu beegsanayay wadanka Yemen, wuxuuna balanqaaday in uu wax ka qabanayo, isla markaana ciidan badan uu ku daadi doono magaalooyinka,
Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Yemen Cabdow Rabih Haadi Masnsuur ayaa qiray in maamulkiisu uu ku fashilmay arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta wuxuuna soo hadal qaaday musuq maasuqa iyo hoos u dhaca dhinaca dhaqaalaha, isagoo farta ku goday in xukuumadiisu ay xilka qabatay iyadoo Baanka dhexe ee dalku faaruqay, taas oo uu ku eedeeyay saraakiishii xukuumaddii hore ee Cali Cabdalla Saalax ee talada uu kala wareegay.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com