images/stories/moi kibaki. oo kor u haya dastuurka cusub.png Nairobi (ANN) Madaxweynaha Dalka Kenya Moi Kibaki  ayaa Maanta  si rasmiya u Ansixiyay Dasuurka cusub ee uu Wadanka Kenya yeelano doona Waxaana Xalfad Si weyn Loogu Maamusayo Dastuurka Cusub ka dhacday Fagaaraha Weyn ee Beerte Xoriyada ee  lagu magcaabo (Uhuru Park), kaas  oo ku yaal Badhtamaha Magaaladda Nairobi,

  iyadoo ay  Madasha Xalfada kasoo qeyb galeen Madax badan oo Afrikaan ah  iyo Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan. 
Xafladaa oo  si heer sarre ah loo soo agaasimay, waxa kaloo kasoo qayb galay  hogaamiyayaal badan oo Afrikaan  ah, kuwaas  oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, Chad, Uganda, Madaxweynihii hore ee Tanzania iyo Waliba Madaxweynaha Dalka Suudan oo si lama filaana ku yimi Goobta Xalfada.
Sidoo kale Waxaa goobta Xalfada kasoo qeyb galay wadaada Diimaha Kenya iyo Waliba Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo lahaa Fikrada Dowladda Wadaaga ee Kenya kadib Qulqulatooyinkii ka dhashay Natiijadii doorashooyinkii 2007 ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 1300 Qof.
Wuxuuna Madaxweynaha Jamuuriyada Dalka Kenya Moi Kibaki si ramisya maanta qalinka ugu duugay Dastuurka cusub oo ay maalmahanba u dhegtaagayeen Shacab weynaha Kenya Ansixintiisa , iyadoo xalfado kala duwan oo ay ugu dabaal dagayaan ay ku qabteen Gobolada Wadanka Kenya oo dhan.
Madaxweynaha Dalka Kenya Moi Kibaki, R/wasaare Odinga iyo Waliba Madaxweyne Kuxigeenka Kenya ayaa lagu dhaariyay Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Uhuru Park Waxayna Shegeen in uu isla maanta laga bilaabo dhaqan gali doono Dastuurka Cusub ee Kenya.
Wadanka Kenya ayaa Waxaa la filayaa in uu ka gudbay maanta caqabado adag oo hor taagnaa Mudo dheer guud ahaan  Shacabka Kenya taas oo hore dalku u afduubnaa shaqsiyaad gaara  waxaana hada muuqata in ay haatan shacabka kenyanku taas kaga gudbeen dastuurka cusub ee Maanta qalinka ku duugay  Madaxwyne Kibaki, kaas oo wax weyn ka taraya xoriyadaha  aasaasiga ah, ka qayb qaadashada siyaasada, xoriyada diimaha iyo furfurnaanta dumuqraadiyada, isu dheelitirka awoodaha qaranka iyo iliilinta xuquuqaha qowmiyadaha kala duwan ee Kenya.
Talaabadan ayaa la filyaa inay  dawladaha waaweyn ee taageera nidaamka dumuqraadiyadu soo dhoweeyaan, iyadoo dalal badan oo ku yaala Afrika in badan lagu celcelinayay inay qaataan nidaamka dumuqraadiyada furfuran iyo ganacsiga xorta ah, si ay bulshooyinka kala duwan ee ku  dhaqani fursad ugu helaan inay ka qayb galaan tartanka sidaasada iyo dhaqaalaha, isla markaana meesha looga saaro inay koox yari xuurtaysato siyaasada iyo dhaqaalaha dalka. sidaa awgeed talaabada ay Kenya qaaday waxa suurta gal ah inay ku kasbato sumcad weyn, balse waxa ay wax walba ku xidhnaanayaan sida loo dhaqan geliyo dastuurka cusub ee uu maanta qalinka ku duugay madaxweynaha Kenya  Mr. Moi Kibaki.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *