Hargeysa(ANN) Madaxweyneha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku magacaabay guddi ka kooban 10-xubnood oo ka hawl geli doonta cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, gudidaas  oo Madaxweyne Rayaale hore u kala diray.

Kadib markii ay isku maandhaafeen fara gelin uu wasiirkii caafimaadka ee xiligaa xukuumadii Rayaale Cabdi Haybe xilkii ka qaaday Agaasimhii Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab.
 
Guddida uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo dib u magcaabay  waxa  guddoomiye u ah,  Mr. Maxamed Xuseen Caabi, halka uu guddoomiye ku xigeena uga dhigay Dr. Axmed Yuusuf Obolos.
 
Magcaabista gudida ayaa lagu  sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay maanta xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).
 
Warsaxaafadeedkaa ayaa u dhignaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Cisbitaalka Guud ee Hargeisa.
Markuu arkay:    Qodobka 90aad ee Distoorka  Qaranka.
Markuu tixgeliyey:  Ahmiyada ay Guddida Cisbitaalka Guud u leedahay Dhismaha Qaranka.
Markuu la tashaday:    Cidda ay kusayso.
Markuu  Kafiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo 
Markuu ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.
Wuxuu Go’aansaday Madaxweynuhu:
In  Guddidan oo ka kooban 10 Xubnood uu Gudoomiye u ahaado,
Mudane Maxamed Xuseen Caabi,
Gudoomiye ku-xigeena uu u ahaado, Dr. Axmed Yuusuf Obolos,
Xubnaha Guddidu waxaanay kala yihiin sidan:-
                               1. Mudane: Maxamed Xuseen Caabi   ( Gudoomiyaha Guddida Cisbitaalka)
                               2.  Dr. Axmed Yuusuf Obolos        ( G/ku-xigeenka Guddida Cisbitaalka)
 
                             3. Mudane Suldaan Xasan Warsame Shire
 
                              4. Mudane: Xasan Cali Muuse
 
                             5. Marwo. Aamina Yuusuf Aar
 
                             6. Marwo. Saakin Jirde Xuseen
 
                           7. Xildhibaan Cabdilaahi Cali Askar
 
                           8. Xildhibaan Yuuusuf Maxamed Guuleed
 
                           9. Mudane: Axmed Muxumed Madar
 
                         10. Dr. Cali Qaadi

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *