Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel, ayaa sheegay in niman toorriyo aad u dhaadheer ku hubaysi maqribnimadii shalay ku weerareen suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, meel u dhaw istaanka ay ka baxaan

 Basaska xaafada Kililka 5aad oo u dhow maqaaxida Caanaha Riyaha ee Hargeysa.
 Mr. Cabdirashiid Beergeel oo khadka telefoonka ugu warramayey Jamhuuriya xalay, waxa uu sheegay in niman toorriyo dhaadheer ku hubaysan oo uu u malaynayo tuugtii la saamaxay ay isku dayeen inay dilaal, kadib markay gaadhigiisa oo waddada laamida ah taagan xoog ku soo fuuleen, isaga oo xusay in baastoolada uu isku difaacayey dhaacaw u gaysatay nin shicib ah oo ka ag dhawaa goobta dagaalku ku dhexmaray isaga iyo nimanka tuugta ah.
Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel oo ka sheekaynaya sida wax u dhaceen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Abbaaro lixdii iyo daqiiqadu markay saacaddu ahayd, ayaa aniga oo doonaya in aan la soo afuro hooyaday oo xanuunsanaysa oo maraya wadada istaanka basaska taga xaafadda kilinka ee magaalada Hargeysa, waxaan ka joogsaday gaadhi bas ah oo jidka marayey, kadibna waxa isoo horjoogsaday nin ayuu yidhi ‘waa isagii…waa isagii’, nin kale oo minddi sita ayaa inta uu daaqadda hore ee gaadhiga iska furay ayuu kursiga hore soo fadhiistay, laba kale oo mindiyo dhaadheer oo kuwa geela lagu qalo ah sita, ayaa iyaguna daaqadaha dambe intay iska fureen gaadhigii soo fuulay, daaqadihii intay xidheen oo ay diintayda caayeen ayey toorriyihii igu boobeen, ninkii xagga hore fadhiyey ayaa minddi aad u dheer ila soo laacay, aniguna inta aan si degdeg ah daaqadii dhinacayga furay ayaan dhulka isku tuuray.
 Waxa igaga darnaa markii aan dhulka ku dhacay, ayaan arkay laba nin oo kale oo mindiyo dhaadheer gaadhiga la bada taagan, way igu soo yaaceen, kuwii kale ee gaaadhiga saarnaana way soo degeen oo waxay damceen inay mindiyaha dhuunta igageliyaan, niman sarriflayaal ah oo agtayda joogay, ayaa damcay inay isoo gurmadaan, kuwiina ninmankii toorriyaha ku hubaysnaa, ayaa intay diintooda caayeen ku yidhi ‘car soo dhaqaaqa’, markii ay naftaydu halisgashay, ayaan la soo baxay baastoolad aan sitay si aan isugu difaaco, waxaan damcay in aan nin toorri igula soo cararayey cagaha ka toogto, nasiib-darro intay labadiisa lugood ka dhex baxday, ayey nin kale oo shicib ah oo meel saabbuuse ka iibsanayey lugta kaga dhacday. Nimankii tuugta ahaana intay baqdeen ayey yaaceen, laakiin mid ayaa igu soo hadhay oo damcay inuu toori qoorta iga geliyo, aniguba inta aan ka digtoonaaday ayaan baastooladii aan haystay qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay, kadibna inta aan ku foorarsaday oo qoorta qabtay ayaan ku idhi waar dhig toorida, dabadeedna markii uu toorridii dhigay ayaan kusriga dambe ee gaadhiga saaray.
 

 
Inta ay waxaa oo dhami igu dhacayeen ee aan dagaalka ku jiray dadku way na daawanayeen sidii kubadda oo wax ii soo gurmada maan helin, waxa dhacday in markii aan ninkii aan qabtay gaadhiga saaray ee aan anigu kursigii hore fadhiistay, ayuu inta uu daaqadii dambe iska furay baxsaday, aniguna ninkii xabbaddu ku dhacday ayaan u gargaaray, dadkii meesha joogayna waxba wey ii qaban waayeen. Ku yar oo baalashle ah aya shaadhkiisii lugtii dhiigaysay kaga duubay. Sidaas ayaan ninkii dhaawaca ahaa ku geeyey saldhiga booliska oo aan refeertadii ugu qaaday, markii dambena waxaan geeyey dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

 
Nasiib-wanaag ninka dhaawaca ah lugtu may jabin oo xabbaddu way jiidhaysay, waxaanan ku muday irbadii teetanada, dawooyinkii uu u baahnaana waan siiyey, waxaanan la xidhiidhay ehelkiisii oo ii yimi, ninkan dhaawacmayna booliska ayaa su’aalo weydiiyey oo waxa uu u sheegay in aniga oo iska difaacaya budhcad i soo weerartay ay xabbaddii aan riday ku dhacday, nimankiina markii aan astaamahoodii sheegay boolisku way garteen oo waxay yidhaahdeen waa tuugtii waaweynayd ee khatarta ahayd ee cafiska madaxweyne lagu soo daayey, baadhista arrintaasna booliska ayaa gacanta ku haya.”

 
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa oo aanu weydiinay cidda uu u aanaynayo inay nimanka soo weeraray ahaayeen, waxa uu yidhi; “Waxaan filayaa inay yihiin tuugtii la saamaxay ee khatarta ahayd, booliskuna waxay ii sheegeen in tuugadu farabaas ku hayso dadka oo caawa [xalay] oo u dambaysay nin bay six un tuugtu ugu dhaawaceen saldhiga booliska ee New Hargeysa agtiisa, intii tuugta la saamaxayna dilka iyo dhaca ayaa batay oo xataa hadhka cad ayey dadka baadhanayaan, aniguna Alxamdullilaah wax dhib ahi ima soo gaadhin oo Ilaahaybaa ajasha dib iigu dhigay. Markaa waxaan odhan lahaa xukuumadda cusub Ilaahay baa wax ilaaliyee inay masuuliyiinta qaranka amnigooda sugaan oo bulshada lagu soo dayn tuugada la qabqabto,” ayuu yidhi Mr. Beergeel

Xigasho Jamhuuriya
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *