yaBaanjo(Araweelo News Network)Madaxweynaha Dalka Gambia Yaxye Jaamac ayaa gebi ahaanba ka joojiyay

 

dalkiisa in laga isticmaalo luqada Ingiriisida, isla markaama waxa uu sheegay in hadda wixii ka danbeeyay luqada koowaad ee dadka iyo dalka Gambia isticmaalayaan ay tahay luqada Carabiga.

Golaha wasiirada Gambia ayaa jumcihii lasoo dhaafay kulan xasaasi ah ka yeeshay arrintaa, waxaana go,aankaa loo gudbiyay baarlamaanka dalka Gambia oo go,aamiyay in  luqadda wadanka ee rasmiga ah ay noqoto carabi luqadda 2-aadna ay noqoto English.

Sidoo kale xukuumadda Gambia waxay go’aamisay in Gambia ka baxdo Ururka Barwaaqa sooranka oo ay ku mideysanyihiin intabadan dowladihii uu gumeystay Ingiriiska.

Haseyeeshee wadamada ku jira Ururka Barwaaqo soorabka ayaa canbaareeyay tallaabada Madaxweynaha Gambia, waxayna ku baaqeen in cunaqabatayn la saaro dalkaa, isla markaana la xayiro lacagta u taal Bangiyada dalalkaa, balse Madaxweyne Yaxye waxa uu ku tilmaamay Ururka Barwaaqo sooranka gumaysigii oo la balaadhiyay, wuxuuna ku dooday in aanay kasii mid ahaan karayn.

Dalka Gambia oo ka mid ah galbeedka qaaradda Afrika, isla markaana dadkiisa lagu qiyaasay ku dhowaad laba milyan, kuwaas 90% muslim ah, 10% kiristan.sidoo kale Gambia ayaa ka mid ah dowladaha ugu yar qaaradda Afrika ee dhinaca Galbeedka Afrika waxay xuduud la leedahay dalka Senigaal , iyadoo kulaalay xeebta Badda Atlantic, isla markaana leh xeeb.

Dhaqaalaha dalka Gambia ayaa ku xidhan waxsoosaarka beeraha Wersheddaha, khayradka badda iyo  adeegyo ganacsi, kaas  dhowr jeer sanadii lasoo dhaafay hoos udhac ku yimi,

Madaxweynaha dalkaa ayaa ku jira teeramkii sadexaad ee  mudada lasoo doortay, isagoo 70% ku guulaystay doorasho xor ah oo ka dhacday dalkaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *