Dr. Ali MacawHargeysa(Araweelo News Network)Wakiilka Dr. Cali Macaw Aweys, oo ahaa dhakhtar kumanaan qof oo bukaan ah loo diiwaangeliyay, balse

laga joojiyay inuu baadho dadkaa markii uu Hargeysa yimi todobaadkii hore, isagoo kasoo kicitimay dalka Britain ayaa Wakiilkiisu sheegtay in dadka bukaanka ah ee isku diwaangeliyey sidii baadhitaanno caafimaad loogu samayn lahaa loo celinayo lacagtooda, kadib markii Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland shaaciyeen in aannu buuxin shuruudaha dhakhtarnimo ee looga baahnaa, awgeedna looga joojiyey hawlihii caafimaad ee uu ka fulin lahaa Hargeysa.

 

Qaar ka mi ah wakiilada  Dr. Macaw, ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii aragtida digtoorka isu diiwaangeliyey lacagtooda loo celin doono, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in la buriyo, waxba kama jiraann laga dhigo waraaq Wasiirka Caafimaadku ku oggolaaday in Dr. Macaw muddo bil ah ka hawlo caafimaad ka fuliyo caasimadda Somaliland.

“Waxaan ogaysiinayaa dhammaan dadkii aannu ka ballanqaadnay in aannu caafimaad casri ah siinaynno in hawshii aannu wadnay la horjoosaday annagoo oggolaansho ka haysanna Wasaaradda Caafimaadka, siiba Wasiirka Caafimaadka in aannu mudo bil ah kaga hawlgalno wadanka ama saddex toddobaad ah, shuruudihii la naga doonayeyna waannu buuxinnay. Markaa waxaannu dadweynaha la diiwaangeliyey ee aannu doonaynay in aannu diiwaangaliyo amma dadkii meelaha fog ka yimi in lacagtooda loo celin doono.” Sidaa waxa tidhi marwo Itisaar Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha wakiillada Dr. Macaw, waxayna xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Siilaanyo ka codsatay in dib loo eego tallaabada dhakhtarkaas. lagaga horjoogsaday inuu adeegyo caafimaad ka fuliyo Hargeysa.

“Waxaan leeyahay haddii la tixgalin waayey waraaqda uu qoray Wasiirka Caafimaadku ee uu oggolaashaha ku siiyey Dr. Macaw. Maxaa loo odhan waayey hawsha joojiyo intii aannu digtoorku dalkaba iman ee xayeysiiskiisu muddada bisha ah socday, illeyn markii uu yimid ayuun baa la qabsadaye?” ayey tidhi marwo Itisaar.

Dhunaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cismaan Xuseen Warsame, ayaa saxaafadda u xaqiijiyey shalay in aannu Dr. Macaw buuxin shuruudihii uu kaga hawlgeli lahaa dalka, kana joojiyeen baadhitaannada caafimaad ee uu ku samayn lahaa kumanaan qof oo aragtidiisa isku diwaangeliyey.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *