breakingnews1Hargeysa(Arraweelo News)Wefdi ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maanta u anbabaxay dalka Turkiga, halkaas oo ay wada hadal kula yeelanayaan wefdi ka socda xukumadda Somalia. sidaana

 

waxa lagu sheegay qoraal kooban oo saxaafadda loogu talagalay oo kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Duulista Somaliland oo uu soo saaray Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan. ka hor intii aanay wefdiga Somaliland ka bixin dalka ayaa u qornaa sidan:-
“Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxa ay halkan ku shaacinaysaa in maanta ay dalka ka amba-baxeen Wafti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Duulista iyo hawadda  Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo kala ah Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taarwale, kuwaas oo magaalada Istanbul kaga qayb gali doona wada hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arimaha maamulka hawadda oo hore ay dhinacyadu ugu heshiiyeen in laga hada hadlo.

Waftigani Somalliland oo ah guddi farsano ayaa waxa ay wadahadal fool-kafool ah la galin doonaan dhigooda dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan dhaqan galinta iyo sii ambaqaadka qodobkii sideedaad ee heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ee Istanbul II, kaas oo dhigayey in labada dal ay sameeyaan guddi farsamo oo ka shaqaysa arimaha maamulka hawadda labada dal.

Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxa ay shacabka iyo saxaafadda la socod siin doontaa wixii najiito ah ee shirkaasi ka soo baxa, INSHA ALLAH. ALLA MAHAD LEH.”ayaa lagu yudhi qoraalkaa kooban.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *