Baanjo(Araweelo News Network)Madaxweynaha Dalka Gambia Yaxye Jaamac ayaa gebi ahaanba ka joojiyay
dalkiisa in laga isticmaalo luqada Ingiriisida, isla markaama waxa uu sheegay in hadda wixii ka danbeeyay luqada koowaad ee dadka iyo dalka Gambia isticmaalayaan ay tahay luqada Carabiga.
Golaha wasiirada Gambia ayaa jumcihii lasoo dhaafay kulan xasaasi ah ka yeeshay arrintaa, waxaana go,aankaa loo gudbiyay baarlamaanka dalka Gambia oo go,aamiyay in luqadda wadanka ee rasmiga ah ay noqoto carabi luqadda 2-aadna ay noqoto English.
Sidoo kale xukuumadda Gambia waxay go’aamisay in Gambia ka baxdo Ururka Barwaaqa sooranka oo ay ku mideysanyihiin intabadan dowladihii uu gumeystay Ingiriiska.
Haseyeeshee wadamada ku jira Ururka Barwaaqo soorabka ayaa canbaareeyay tallaabada Madaxweynaha Gambia, waxayna ku baaqeen in cunaqabatayn la saaro dalkaa, isla markaana la xayiro lacagta u taal Bangiyada dalalkaa, balse Madaxweyne Yaxye waxa uu ku tilmaamay Ururka Barwaaqo sooranka gumaysigii oo la balaadhiyay, wuxuuna ku dooday in aanay kasii mid ahaan karayn.
Dalka Gambia oo ka mid ah galbeedka qaaradda Afrika, isla markaana dadkiisa lagu qiyaasay ku dhowaad laba milyan, kuwaas 90% muslim ah, 10% kiristan.sidoo kale Gambia ayaa ka mid ah dowladaha ugu yar qaaradda Afrika ee dhinaca Galbeedka Afrika waxay xuduud la leedahay dalka Senigaal , iyadoo kulaalay xeebta Badda Atlantic, isla markaana leh xeeb.
Dhaqaalaha dalka Gambia ayaa ku xidhan waxsoosaarka beeraha Wersheddaha, khayradka badda iyo adeegyo ganacsi, kaas dhowr jeer sanadii lasoo dhaafay hoos udhac ku yimi,
Madaxweynaha dalkaa ayaa ku jira teeramkii sadexaad ee mudada lasoo doortay, isagoo 70% ku guulaystay doorasho xor ah oo ka dhacday dalkaa.