Hargeysa (ANN) Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee xisbiga Kulmiye eek u guulaystay doorashadii madaxtooyada, isla markaana ka mid ah xubnaha gudida cusub ee uu dhowaan magcaabay madaxweynaha cusubi ayaa beeniyey warar lagu baahiyay wargeyska Haatuf ee kasoo baxa hargeysa oo sheegayey in isaga iyo siyaasiyiin

 kale oo ay ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ay loollan adag ugu jiraan in loo magacaabo xilalka Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha.

 

Eng. Maxamed Xaashi oo xalay u warramayey telefishanka SLSC, waxa uu warkaasi oo wargeyska Haatuf daabacay ku tilmaamay mid aanay waxb ka jirin, isagoo xusay in magacaabista xilalka wasaaradaha uu xaq u leeyahay Madaxweynaha cusub, isla markaana uu kala yaqaano siyaasiyiinta xisbiga oo ninka uu doono isagu magacaabayo.

 “Arrinta jariiraddu ka hadashay ee ay tidhi waxay loollan adag ugu jiraan mansabyada wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha, horta marka hore asluub iyo dhaqan baa jira, mansabyadaasi inuu bixiyo waxa xaq u leh Madaxweynaha cusub, madaxweynaha in lagu cidhiidhiyo wax i sii iyo wax ii qabo waa laga fiican yahay, anigu in aan arrintaasi galay oo aan cid tirtay ama doontay ma jirto, waana arrin fool xun, in isaga (madaxweynaha cusub) meesha kuma habboona,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi, waxaannu intaa raaciyey, “Soomaalidu waxay tidhaahdaa qof fadhigaaga arkaya looma saro-joogsado, wuu na wada yaqaan, nin walba meesha uu u dirayo isaga ayaa xilkaasi saaran yahay, laakiin in nalaga dhigo niman iyagu u beratamaya oo isku haya oo leh aniga ha la iga dhigo iyo aniga ha la iga dhigo taasi mid meesha ku jirta maaha.

Markaa waxaan qabaa Madaxweynaha cusubi xaq buu u leeyahay inuu igmado cidii u hawsha u garto, inta kalena waxa xaq loogu leeyahay inay ku tahniyadayso cidii uu isagu soo magacaabo. Kelmadda loollan adag ee jariiraddu [Haatuf] qortay waxay muujinaysaa in rag is barbar yaacayaa jiraan, taasi wax meesha qabta maaha sida runta ah.”

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha cusub loo doortay tahay sidii uu isbeddel dalka ugu samayn lahaa, taasina uu hadda ku hawlahan yahay. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa loo doortay ee codka intaa le’eg uu ku helay waxay ahayd inuu isbeddel sameeyo, isbeddelkiina wuu wadaa, barmaamujna wuu lahaa xisbigu, markaa waxaan leeyahay wargeysyadu ha ka baxaan arrimaha noocan ah ee ay dadka ku khalkhalinayaan, madaxweynahana  ha loo daayo xilka waajibkiisa ah inuu guto.”

Mar la waydiiyey Eng. Maxamed Xaashi sida uu u arko inay jiraan siyaasiyiin fara badan oo la sheegay inay xilal ka wada doonayaan Madaxweynaha cusub, waxa uu yidhi, “Dad badan baa madaxweynaha u coddeeyey, dad badan baa waxtaray si uu meel u gaadho, abaalgudku waxa uu noqon karaa in dalka isbeddelkii la rabay Madaxweynuhu ku tallaabsado, taas ayaa guul u ah cid walba mid u codeeyey, iyo mid ka soo horjeeday inuu isbeddel dhab ah keeno oo dadku u aayo, haddiise ay noqoto qof qof anigu waxaan u malaynayaa cidina in aanay waxba gaadhsiinayn, dawladduna sidii tii hore inaga noqon doonto.

Eng. Maxamed Xaashi mar wax laga waydiiyey in guddi uu ku jiro oo dhawaan Madaxweynaha cusub u magacaabay inay kala talo-bixiso qaab dhismeedka dawladda uu soo dhisi doono inay hawshoodii dhammeeyeen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Annaga waxa naloo xilsaaray sida dadka qaar u fahmeen maahee in aannu wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee madaxabannaan inta looga baahan yahay sheegno, ra’yigii wixii ay nala ahaydna waanu diyaarinay oo wuu naga soo dhammaaday, si dhakhso ahna waanu isaga wareejinaynaa.”

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *