images/stories/136164_13644219_460x306.jpg    Switzerland(ANN) Dayaarad ku shaqeyneysa Solarka qoraxda oo tijaabo ah ayaa ku degatay waddanka Switzerland kadib markii ay hawada ku jirtay muddo 26 saacadood iyadoo aan isticmaalin dhibic shidaal ah.

 

 

 

inkasta oo aanay Dayaaraddu ahayn mid awood badan. Hadana duuliyaha diyaaradaa Mr. Andre Borschberg  oo keiligii saaraa diyaarada ayaa sheegay inay ku duulaysay joog ka sareeya 8,700 mitir ayaan lahayn awood badan, Waxa ay siday hal duuliye oo kaliya, laakiin kooxaha soo saaray ayaa sheegaya inay rajeynayaan inay wax ka beddeli doonto gaadiidka hawada, isla markaana tijaabada diyaaradan oo hindisaheedu socad Afartan sanadood ay talaabada tan ku xigta ku xigta diyaaradu kaga gudbi doonto Badweynta Atlantic si ay ugu talawlodo aduunka intiisa kale.Maadaama lagu guulaystay tijaabadii hore oo ay si qurux badan ugu degtay garoon ku yaala Payerne koonfurta galbeed ee caasimadda Bern.

Dayaaradda oo loogu magacdaray Solar Impulse, isla markaana duulimaad tijaabo ah ku jirtay Arbacdii 7am ilaa khamiistii 9am, waxay  baalasha ku leedahay qalab u qabanaya ileyska qoraxda kadibna u keydinaya si ay ugu duusho, si ay duulimaadkeeda usii wadato xiliyada  aanay cadceedu jirin ee mugdiga ah, iyadoo sidata .Betariyo 400Kg ah.

 

Source News –Environnement.com

By, Arta Abyan

  

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *