Qaybtii labaad

 Weedhaha ka imanayay daneeyayaasha doorashada ee beesha caalamka  iyo dedaalkii lagu sama tabixiyay Somaliland  ayaa dib u nooleeyay rajada iyo yidiilada shacbiga, kuwaas  oo sabab u noqday qabsoomida doorashada madaxtooyada, isla markaana waxa aan la dafiri Karin doorka iyo gudashada waajibkooda ee xubnaha komishanka cusub, iyadoo la xusuusan yahay xubnhii hore ee komishanka iyo xaaladii ay dalka geliyeen.  Dhibaatooyinka shaqo la’aanta, duruufaha nololeed iyo xaaladihii qalafsanaa ee hadheeyay mujtamaca Somaliland dhawrkii sanadood ee xukunka kooxda Rayaale ayaa u run sheegay inta badan bulshada, waxayna si weyn ugu riyaaqeen isbedelka iyo dawlada kooban ee uu ku baaqay musharaxa xisbiga Kulmiye, taas oo ay ugu danbayntii markii la gaadhay 26 Juun 2010 ay go’aansadeen inay codkooda siiyaan musharaxii xisbiga mucaaridka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo..sidaa darteed isbedelka ay inta badan gaar ahaan dhilnyarada iyo haweenku u riyaaqeen iyo jawaabta ay bixiyeen shacbigu waxa laga dheehan karaa natiijadii doorashada iyo guusha xisbiga Kulmiye, waxaana la rumaysan yahay si kasta oo doorashada loogu tilmaamo mid xor iyo xalaal ah in aanay wax micno ah samayseen, ama aanay wax sumcad ah usoo jiideen Somaliland haddii aanay keenin isbedel. Sida hada dhacday, isla markaana isbedelku maaha inay meesha ka baxaan oo keliya  kooxdii maamulka rayaale iyo qaabkii ay dalka iyo dadka u maamulayeen mudadii sideeda sanadood ahyd.. Laakiin waxa  isbedelku  macne  iyo qiima yeelanayaa marka gebi ahaanba laga guuro qaabkii foosha xumaa ee kooxda rayaale ku maalulayeen dalka, kaas oo u diiday bulshada inay hore ugu socdaan nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada, isla markaana u diiday horumar iyo in laga guuro xukuumad loo xidho shaadhadh qabaail oo aan qabiil, qaran iyo qoys midna waxba ugu filayn, balse ay ku adeegsadaan koox yar oo ujeedo dhaqaale doon iyo musumaasuq ku shuraakoobay.   

 

Waxa hubaala in natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland ee maanta lagu tilmaami karo gedood ka dhashay dhibaatooyinka iyo duruufaha ragaadiyay bulshada oo ay doonayaan inay ka baxaan, isla markaana u arkeen Madaxweynaha ay doorteen kii ku hogaamin lahaa himilada iyo rajada ay ka arkeen barnaamijkiisa qoraalka ah.

Hase yeeshee waxa muuqata inay kooxo tira yar oo doonaya inay ku dul noolaadaan bulshada iyo kuwo marka horeba lagu muquuniyay duufaanada isbdeldoonka ee doorashada ay durba bilaabeen qorshayaal ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan xukuumada looga fadhiyo Madaxweynaha cusub ee tiro ahaan iyo tayo ahaan ay ku qanci lahaayeen bulshada isbedelka iyo horumarka u oomanayd.

   Balse talaabadii u horaysay ee Madaxweynaha cusubi  qaaday oo ahayd magcaabista guddi ka kooban aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato iyo Culimaaudiin, ayaa yeelatay dareeno hor leh, waxaana durba  laga baadhay, lasoco………..

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *