Hargeysa(ANN)Madaxweynaha aan weli xilka loo dhaarin ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa manta magacaabay gudi isugu jira aqoonahano iyo siyaasiyiin oo ka kooban14 xubnood, kuwaas  oo ka soo tallo-bixin doona qaabdhismeedka dawladda cusub ee laga sugayo inuu soo dhiso xisbiga KULMIYE oo ku guulaystay doorashadii dhacday 26 jun 2010 ee madaxtooyadda Somaliland.

 

Gudida uu Madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray dhismaha dawladda cusub, maaha siyaasiyiin oo keliya ee waa xubno ka kooban aqoonyahano, siyaasiyiin , xildhibaano, ganacsato iyo culimaaaudiin, isla markaana waxa ka muuqda dad aan ku jirin saaxada siyaasada, iyo kuwo aan ahayn  xisbiga Kulmiye, waxaana ka dhex muuqda  magacyada gudidaa musharaxii madaxweyne xigeenka ugu tartamayay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

 

War-saxaafadeedka lagu shaaciyay magacyada gudiddaa iyo ujeedada loo magcaabay oo  uu ku saxeexanyahay Madaxweyne Siilaanyo,  wuxuu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan; “Madaxwayanaha Cusub ee lagu doortay doorashadii dalka ka dhacday 26 june ee sanadkan Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu magacaabayo gudi heer qaran ah oo ka tala bixisa dhismaha dawlad tayo leh oo looga fadhiyo dhismaheeda xisbiga Kulmiye ee ku guulaystay doorashadii dalka ka qabsoontay.

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo waxa uu warsaxaafadeedkiisan ku sheegay inay gudidani ka koobnaan doonto 14 xubnood oo isugu jira waayeelka Xisbiga kulmiye iyo wax-garadka qaranka,  kuwaas oo ka talo bixin doona dhismaha dawlad cusub oo tayo leh iyo hay’ado madax-banaan oo la abuuro.

 Magacyada Gudida la magacaabay

 

 1.        Muuse Biix Cabdi                                  Gudoomiyaha Gudidda

 

2         Dr Adna Aadan Ismail                            Gud Kuxigeenka Gudidda

 

 

 

3.         Prof Xuseen Bulxan

 4         Dr Maxamed Siciid Gees

 5        Dr Maxamed Rashiid

 6         Prof Ismail Muumin Aar

7         Cabdicasiis Maxamed Samaale

 8         Baashe Maxamed Faarax

 9.         Dr Maxamed Cabdi Gaboose

10         Dr Xuseen Maxamoud Xoog

11        Xil Dr Ahmed Kijaandhe

 12        Eng Maxamed Xashi Elmi

13        Xil Cabdiraxman Yusuf Cartan

14        Sheekh Maxamed Ali Gadhle

15       Muniir Abusite.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *