images/stories/untitled.bmpHargeysa(ANN) Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa caawa caweyskii  ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha Somaliland ee sida weyn loogu dhegtaagayay  cida ku guulaysata.

 

 

Munaasibad lagaga dhawaaqay natiijada doorashada oo lagu qabtay hoolka weyn ee Hutelka Maansoor, waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay xisbiyada qaranka ee tartanku ka dhexeeyay,

 gudoomiyayaasha labada gole ee guurtida iyo wakiilada culimaaudiin, aqoonyahano, marti sharaf kale iyo suxufiiyiin iyo goob joogayaal ka hawl galay mudadii ay socotay cod bixinta doorashada, waxaana hadalo kooban halkaa ka jeediyay ka hor intii aan lagu dhawaaqin labada gudoomiye ee Baarlamaanka saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in natiijada la sugayo musharaxa loogu dhawaaqaa hawl badani sugayso, isla markaana wuxuu amaan gaara usoo jeediyay komishanka qaranka doorashooyinka iyo sidii ay mudadii koobnayd ee ay qabteen ugu guulaysteen hawsha doorashada saddexda sannadood dib u dhacaysay, isagoo yidhi, “hawl weyn oo geesinimo leh ayaa qabateen, waana idinku hanbalyaynayaa, waxaana idin sugaya labada gole doorashadoodii oo aan wax xeer ahi u diyaar ahayn, oo aanay jirin qiil loogu kordhiyaa, dawlada cusubna waxa laga doonayaa inay hawshaa qaybteeda qaadato oo diyaariso shuruucdii iyo inkaaniyaadkii lagu qaban lahaa doorashadaa.”

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha guurtidu wuxuu isagoo ka hadlaya ahmiyada ay u  leedahay  ummada doorashada madaxtooyada ee natiijadeeda loo fadhiyay yidhi, “Doorashadani waxay wax ka taraysaa rajada mustaqbalka Somaliland iyo inay dhegeystaan Somaliland Caalamka dhegaha adagi, idinkana komishankow waxaan idinku amaanayaa sida geesinimada leh ee aa yeesheen, waxaana filayaa in aanay natiijaduunu noqon sideetan cod oo muran abuura, dawlada  cusubna waxa loo baahanyahay inay ummada middayso oo hawsha badan ee sugaysa, taas ugu horaysiiso.”

 

 

 

 

Sidoo kale Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro ayaa isaguna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku amaanay komishanka qaranka hawsha taariikhiga ah ee ay qabteen, wuxuuna isagoo ka hadlaya musharixiinta ku tartamayay doorashada yidhi, “musharixiinta tartamayay dhawr goor ayaynu warbaahinta ka maqalay iyagoo leh waanu haniyaynaynaa. Haddii nalaga guulaysto, markaa taas ayaynu u haynaa ay hore u yidhaahdeen.”

Sheeka Maxamed Aadan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay kula dardaarmay cida loogu dhawaaqo in lagu wada farxo, maadaama ay tahay natiijadu guusha ay u tartamayeen saddexda musharax, isagoo yidhi, “waxaynu halkan u fadhinaa oo sugaynaa, waa jawaabtii rasmiga ahayd ee shacbiga Somaliland, guushana waynu wada leenahay, farxadana waa inaynu wadaagnaa.”

Sheekh Maxamed Aadan  ayaa si gaara ugu hanbalyeeyay shacbiga Somaliland iyo komishanka qaranka oo noqday kuwo taariikhda Somaliland ka gala baal dahaba.

Sidoo kale waxa halkaa ereyo kooban oo dardaaran iyo hogatusaalayn ah ka jeediyay Xaaji C/kariim  Xuseen (C/waraabe) oo ugu baaqay in ay haniyeeyaan labada musharax ee laga guulaystay..

Afhayeenka komishanka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo ka waramay ka hor intii aan lagu dhawaaqin natiijada qaabkii ay uga hawlgaleen xubnaha komishanka qaranku doorashada natiijadeeda looga fadhiyo ayaa amaanay doorkii ay ku lahaayeen hawlwadeenadii ka qaybqaatay doorashada, dawladihii dhaqaalaha ku bixiyay, shacbiga Somaliland ee sida wanaagsan u codeeyay iyo cidkasta oo door ku lahayd. Laakiin wuxuu si gaara u xusay shirkada geele arab oo uu sheegay inay ugu deeqday sharaab mudadii ay socotay hawsha doorashadu. Sidoo kale wuxuu amaanay ciidanka amaanka, isagoo si gaara u amaanay doorkii ciidanka qaranka, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka qaranka Nuux Taani.

Waxaana markaa ka dib mikirifoonka lagu soo dhoweeyay gudoomiyaha Komishanka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf (Ciise-xammari), oo ku dhawaaqay natiijada xaqa ah ee hawshii ay qaranka u maamulayeen ee doorashada. Wuxuuna  halkaa ka akhirayay qoraal dheer oo ay ku saleeyeen komishanku natiijadooda, kaas oo ahaa xeerka doorashada, dastuurka qaranka iyo sharciyada awooda u siinaysa ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtooyada.

Taas oo gudoomiyuhu yidhi, tartankii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomay 26 juun 2010, waxa ku guulaysteen musharixiinta xisbiga Kulmiye oo kala ah Musharaxa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku guulaystay jagada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan C/llaahi  Ismaaciil (Seylici).

Waxayna saddexda xisbi u kala heleen tirada codadka ansaxay sidan;-

 Kulmiye  266, 906   u dhiganta  dadkii codeeyay 49..59%

UDUB 178, 881   u dhiganta dadkii codeeyay 33, 23%

UCID  92,459  u dhiganta dadkii codeeyay  17,18 %

Markii lagu dhawaaqay magaca Axmed siilaanyo ayay dadweynihii fadhiyay hoolka farxad si weyn ula istaageen, taas oo ahayd ka hor intii aan lagu dhawaaqin natiijada, waxaana sidaa lagi soo gebagebeeyay munaasibadii natiijadaa sida weyn loo sugayay lagaga dhawaaqay. Musharixiinta tartanku dhexmaray ayaan ka muuqan goobta lagaga dhawaaqay . laakiin waxay hore u sheegeen inay ku qanacsan yihiin natiijada soo baxda.

Musharaxa loo doortay madaxweynaha Somaliland ee cusub Axmed Siilaanyo oo wax yar ka dib u waramay idaacada BBC-da ayaa sheegay inay Ummudu guulaysatay oo uu ku hanbalyaynayo isla markaana uu kuwii u codeeyay iyo kuwii aan u codaynba isagu u yahay madaxweyne, wuxuuna si gaara ugu mahac celiyay madaxweynaha uu ka guulaystay Daahir  Rayaale Kaahin Iyo Musharaxa UCID Faysal Cali   Waraabe.

Waxyar ka dibna waxa wadooyinka iyo shaaracyada waaweyn ee magaalada hargeysa iyo magaalooyinka kaleba isugu soo baxay kumaanaan gaadiid iyo dadweyne ah oo xidhay wadooyinka, kuwaas oo shucuur faraxad weyni ka muuqato kusoo dhoweeyay natiijada doorashada madaxtooyada ee komishanku ku dhawaaqay caawa, wadooyinka laamiga ah ee ka yimaada maansoor iyo badhatamaha laamiga magaalada ayay dadkii kasoo baxay huteelka maansoor ee lagaga dhawaaqay kula kulmeen kumanaan qof oo safaf dhaadheer u taagan iyo kuwo gaadiid ku dabaaldegaya, kuwaas oo ilaa xiliyadii danbe sii socday.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *