images/stories/u_13956d_2010-5-31-13-38-7f_saleebaan-gaal-guurti.jpg   Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur), ayaa dalbaday in baadhitaan lagu sammeeyo asbaabihii dhaliyey goobo ka mid ah gobolka Sool iyo bariga sanaag in  inaanay ka qabsoomin doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee dalka ka dhacday 26 June 2010.

Gudoomiyaha Guurtida oo maanta ka hadlay furitaanka kal-fadhiga 41aad ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay in loo baahan yahay in baadhitaan  lagu sameeyo sababaha keenay in Goobo ka mid ah Gobolka Sool  iyo bariga sanaag ay doorashadu uga dhici wayday si aanay dib uga dhicin caqado noocaas oo kale oo khalkhal galiya habsami u socodka hawlaha qaranka, maadaama oo ay jiraan doorashooyin dambe oo dalka dhawaan ka dhici doono sida ta Golaha wakiilada iyo golahayaasha deegaanka Somaliland.ayuu yidhi.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen Mudanayaal tiro badan, waxa uu ku furmay jawi degan oo aad dareemayso in xilhibaanadu ka soo doogeen hawlihii ololaha doorashada, ayaa waxa guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan Nuur) oo ay weheliyeen labadiisa ku xigeen.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan Nuur) oo hadal kooban furitaanka Kalfadhiga maanta ka jeediyay ayaa shacabka reer Somaliland uga mahad celiyay sidii fiicnayd ee ay uga qayb qaateen doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday bishii hore, sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyay Komishanka doorashooyinka oo uu ku tilmaamay inay yihiin geesiyaal dadka iyo dalkaba taariikh wayn ku leh, sidoo kale waxa uu si gaar ah amaan ugu soo jeediyay ciidamada amaanka, gaar ahaan ciidamada Milatariga oo uu sheegay in haddii aanay iyagu joogin aanay suurto-gasheen ama aanay qabsoonteen doorashadii Madaxtooyada ee uu ku guulaystay xisbiga KULMIYE.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *