Muqdsiho(ANN)Munaadibad si weyn loo abaabulay oo ay ka qayb galeen hogaamiyayaasha gobolka iyo kuwo kale oo ka kala yimi wadamo kale ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga Iskuul Boolisiya ee magaalada Muqdisho, taas oo uu kilka kula wareegay Madaxweynaha cusub ee Somalia

 

Xassan Sheekh Maxamuud.
Madaxda ka qayb gashay munaasibadaa oo amaankeeda aad loo adkeeyay, waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle, Raysal wasaare kuxigeenka Turkiga Baker Bosdag  , Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Raysail Wasaaraha Dalka Ethiopia Eng.  Hailemariam Desilgn, Safiirada Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Talyaaniga iyo dalalka deeq bixiyaasha iyo Wakiilo ka socda Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka Brundi, Sudan, Ethopia, Kenya, Rwanda, kuwaas oo qudabado ka jeediyay munaasibadaa.

Madaxweynaha cusuboo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxtinimadda dalkaasi , isla markaana  maalintii Arbacadii lasoo dhaafay  ka bad-baadey isku day dil, ayaa sheegey in howlaha ugu muhimsan ee uu qabanayo ay yihiin ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta iyo sidii nabad looga dhalin lahaa Somalia, wuxuuna  carabka ku adkeeyay iinuu sii wadayo wada hadaladii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya ay halkoodii ka sii socon doonaan, isagoo balanqaaday  inuu  ahmiyad weyn siin doono sidii loo sii ambo qaadi lahaa wada hadaladii u bilaabmay Somaliland iyo dawladii hore ee Sh. Shariif.
wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Kama shaqeyn doonno midnimo jajuub ah,  ama xoog dulamaasiyadeed ku timaadda. Waxaan sii ambo-qaadi doonaa wada hadalkii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya. aad iyo aadna waan u soo dhawaynayaa in la helay fursad lagula hadlo Somaliland.”

Xasan Sh. Maxamuud waxa  uu meesha ka saaray in  inaanay jirin wax midnimo ah oo xoog ku iman kartaa, isagoo dhinaca kalena balanqaaday inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh, isla markaana ay awooda saari doonaan dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ka mid ah qarramadda guul-daraystay ee caalamka. sidaa awgeed wuxuu beesha caalamka ka dalbaday inay la shaqeeyaan dawladiisa.

Dhinaca kale waxa munaasibadaa qudbado kala duwan oo dar-daaran iyo talooyin isugu jira ka jeediyay madaxda ka socotay wadamada gobolka iyo dalalka kale ee kasoo qayb galay xafladaa. rasal wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga Turkiga baker Bosdag oo ka mid ahaa madaxda ka socotay aduunka ee ka qaybgalay munaasibadaa ayaa  yidhi,  “maanta waa maalin taariikhi ah dadka Soomaaliyeedna ay u tahay maalin farxad ah waxaan maanta Muqdisho u imi  in aan kala qeyb qaato  farxada maanta,   safarkeyga igu  wehliya xildhibaano ka tirsan baarlamanka Turkiga.”

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga  ayaa u mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu ku  tilaamay in uu ahaa shaqsi ka shaqeeyay nabada dalka Soomaaaliya wuxuuna Madaxweynaha Cusub ugu baaqay in uu noqdo mid sii wada howshiisa, isagoo dhinacooda balanqaaday inay sii wadayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatada abaaraha iyo colaaduhu daashadeen.
Sidoo kale Madaxweynaha Dalka Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay munaasibadaa ayaa dar-daaran usoo jeediyay Madaxweynaha cusub oo uu tilmaamay inay horyaaliin mushkilado badan oo xalkooda laga sugayo.

Waxa kale oo hogaamiyayaasha ka hadlay munaasibadaa ka mid ahaa Raysail Wasaaraha Dalka Ethiopia Eng.  Hailemariam Desilgn oo safarkiisii  uu horeeyay ku tegey Muqdisho, isagoo ka hadlay ahmiyada deganaanshaha Somalia u leeyahay mandaqada iyo dunida kaleba. sidaa awgeed loo baahanyahay inay Somalia cageheeda isku taagto.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *