Nairobi(Araweelo News Network) Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay afar wasiir oo hordhac u ah xubnaha golaha wasiiradiisa, kuwaas oo ay ku jirto haweenay markii u horaysay
taariikhda dalka Kenya noqotay Wasiirka Arrimaha Debeda, isla markaana noqonay haweenaydii u horaysay ee Soomaalida Kenya ah, ama qofkii ugu heerar Soomalida Kenyaanka ah ee mansabkaas oo kale gaadha.
Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashii dhowaan ka dhacday dalka Kenya Mr. Uhuru ayaa ku dhawaaqay magacyada wasiirada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Maaliyadda.
Waxaana Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya loo magacaabay, Aamina Jawaahir Maxamed oo kasoo shaqaysay hay’addo caalami ah, isla markaana xilal kasoo qabtay xukuumaddii hore Kibaki ee dalka Kenya.
Haweenayda Madaxweynaha Kenya u magcaabay Wasiirka Arrimaha Debeda Kenya, Aamina Jawaahir ayaa xukuumaddii hore kasoo qabaty jagada xoghaye joogta ah oo ay ka noqotay wasaaradda cadalaadda Kenya, xilligii Madaxweyne Kibaki, balse waxay ka hor intii aan xilkaa loo magcaabin ahayd ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca degaanka UNEP.
Balse waxay xilkaa iska casishay kadib markii ay u tartantay Aamina Agaasimaha Guud ee Hey’adda ganacsiga Adduunka ee WTO, taas oo looga guulaystay.
Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyaati ayaa u magcaaby sadex wasaaraddood oo kale, kuwaas oo kala ah Wasiirka Maaliyadda Henry Rotich, Wasaaradda Caafimaadka waxaa loo magacaabay James Macharia iyo Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay James Macharia.
Uhuru waxa uu hore u sheegay inuu dhisayo gole wasiiro oo ka kooban 18 xubnood, balse waxa hada ay noqonayaan afarta xubnood ee uu magcaabay kuwo hordhac u ah xubnaha wasiiraddiisa.