Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Marwadiisa Aamina Weris ayaa la gudoonsiiyay hadyado qaali ah. iIsmaaciil Sh. Axmed Guuleed (Khumayni) oo ka mid ah Qurba jooga reer Somaliland ee degan wadanka Denmark ayaa hadyad ay ku jiraan billado dahab

ah iyo alaab kale oo gudoonsiiyay Madaxweynaha Somaliland Muidane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halka Biladda kalena ay gudoonsiisay Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamin Sh. Maxamuud Jirde marwo Nuura Ibraahin Ileeye.
.
Hadyadaha kale ee la guduunsiiyay Madaxweynaha ayaa waxa ku jiray khariidada amaba Map-ka Somaliland oo ay ku sawiran yihiin dhamaanba Madaxweyneyaashi isaga kala dambeeyay talada wadanka Somaliland .
Waxa kale oo intaasi dheerayd Maabka Somaliland oo uu hogaaminayo Awr lagu tusaaleeyay xoolaha nool ee ay Somaliland hodanka ku tahay, taasi oo uu si farshaxanimo leh u hindisay wiil uu dhalay muwaadankan qurba jooga ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ismaaciil Sheekh oo ah ciyaartooy orodada heer caalami ee Yurub ka ciyaara, kaasi oo biladihii uu ku guulaystay u soo hibeeyay Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa munaasibadda xuska 18 May darteed iyo dulqaadka iyo dimuqraadiyada uu ka hirgeliyay Somaliland mudadii uu siyaasada Somaliland ku soo jiray oo dhan, gaar ahaan dulqaadkii yaabka lahaa iyo tanaasulkii uu sameeyay doorashadii 7 sano ka hor lagaga guulaystay, taasi oo aan ka dhicin qaarada Yurub iyo aduunka kale toona.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahadceliyay Muwaadninkan iyo wiilka uu dhalay ee u soo hibeeyay hadyadan qaaliga ahba, waxaana uu sheegay inuu ku dedaalayo sidii uu u horumarin lahaa dadkiisa iyo dalkiisa, islamarkaana aanu ka daalayn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *