Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa baabiisay gebi ahaanba heshiiskii ay kula jirtay shirkadda maamusha Haamaha Shidaalka ee Berbera. Kadib markii ay ka baxday heshiiskii ay ku jirtay, isla markaana aanay mudo laba sannadood ku dhow aanay wax shidaal ah keenin. Sidoo kalena laga

 

waayay wax xisaab celin ah.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga  Madaxtooyada,   iyadoo  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kusoo saaray xeer Madaxweyne.
Qoraalkaa oo saxaafada loo mariyay xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha SomaMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) waxa uu maanta soo Saaray xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay NO: 0131/052011 .
Xeerkaasi oo uu Madaxweynuhu ku baabiiyey heshiiskii Shirkadda Total Oil Mer Rouge ay ku Maamulaysay Haamaha Shidaalka iyo Furida Soo Dejinta Shidaalka.

Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi xeerkiisa sidan:-

Markuu Arkay:                         Qodobka 90aad, Faqradiisa 1aad iyo 6aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu La Tashaday:    Hay’adaha Qaran ee ay khusayso;

Markuu Arkay:                         Heshiiska u dhaxeeya Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee aan la dhamaystirin sida uu qeexayo Qodobka 1aad, Faqradiisa 2aad iyo Qodobka 3aad Faqradiisa 5aad ee hashiiskan aan dhamaystirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                         In la baal maray Qodobka 53aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Qodobka 12aad, Faqradiisa (T) ee Axdigii Ku meel-gaadhka ahaa ee berigaa la raacayay (1993 Charter);

Markuu Arkay:                         In Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge ka baaqsatay in ay dayactirto dhamaan Haamaha Shidaalka ee Dekadda iyo Madaarka Berbera, isla markaana aanay jirin wax maanta u yaala oo qalab ama agabkii kale, ee loo baahnaa hadii ay dhacdo in ay ciladi timaado sida uu dhigaayo Qodobka 2aad, Faqradiisa 1aad ee heshiiska aan dhamaystirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL Oil Mer Rouge iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                         Diidmada Golaha Wakiiladu in ay ansixiyaan heshiiska aan dhamaystirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL Oil Mer Rouge iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                         In Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge ka baaqsatay in ay keento shidaalka muddo labo sano ku siman, iyada oo ay ahayd in ay keento shidaalka sida uu qeexayo Qodobka  2aad, Faqradiisa 1aad ee heshiiska aan dhamaytirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL Oil Mer Rouge iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Waayay:                Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge xisaab celin cad oo ku saabsan hantida gashay meesha sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha Qaran ee ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:                In ay Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge wareejisay saamiyadii shirkadeed iyada oo aanay u dhamaystirnayn sharciyadii looga baahnaa in ay ka helaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha JSL, isagoo tixgelinaya qodobada kor ku xusan, gudanaayana waajibaadkiisa Qaran ee dastuuriga ah, wuxuu go’aansaday:

1.        In Haamaha Shidaalka Berbera maamulkeeda laga wareejiyey Shirkada Total Oil Mer Rouge, isla markaana dib loogu soo celiyo maamulka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22/05/2011.

2.      In Guddi uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsigu madax ka yahay loo magacaabo, kana kooban:

Ø  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska,
Ø  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,
Ø  Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.

3.      Guddidu waxay soo sugi doonaan isla markaana diiwan gelin doonaan dhamaan Hantida halkaa taala.

4.     In ay Wasaaradda Ganacsigu tahay Hay’adda Qaranka ee maamuli doonta Haamaha Shidaalka.

5.      In wixii xisaab ah ay isaga yimaadaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge.

6.      Shaqaalaha jooga Haamaha Shidaalka xuquuqdooda waxaa la wareegaya Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland laga bilaabo taariikhda Go’aankan, wixii hore waxa ay ku leeyihiin shirkada TOTAL Oil Mer Rouge.

7.      In wixii xisaab ah lagu wareejiyo Baanka Dhexe ee JSL.

8.      Guddidu waxay samayn-doonaan tartan xor ah iyo qandaraas furan oo lagu tartamo, inta ka horaysana Guddida ayaa gacanta ku hayn doonta
9.      Haamaha Shidaalka ee Berbera.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Shirkadda Total ayaa  mudo konton sannadood ah la gashay  dhawr iyo sagaashanaadkii xukuumaddii marxuum Cigaal  heshiis ay kula wareegay maamulka haamaha shidaalka iyo keenista dalka ee shidaalka, balse heshiiskaa ayaa golihii wakiilada ee waqtigaasi ku gacan saydheen, balse  Xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo ayaa xiligii kaanbeynka ee ololaha doorashada  balanqaaday inay heshiiska shirkadaa dib u eegis ku samaynay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *