Nairobi(ANN) Dawlada dalka Kenya ayaa markii u horaysay shaacisay  inay taageersan tahay in Somaliland hesho aqoonsiga ay u baahantahay  oo ay xaq u leedahay Somaliland madax-banaanida qaranimaddeeda, sidaana  waxa sheegay  Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka

Kenya Richard Onyonka, wuxuuna xusay  inay  dalkiisu ay dawladaha  Midowga Afrika ku dhiiri gelinayaan inay si buuxda u aqoonsadaan Somaliland. faafiyay TV-ga wadanka Iran ee Press TV.
Telefishinaka laga leeyahay dalka Iran ee Press TV  ayaa laga sii daayay hadalka wasiirka dalka Kenya. Kadib markii Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada oo  khudbad uu ka jeediyay xafladii lagu xusayay sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo Jaaliyada Somaliland ee wadanka Kenya ay ku qabteen magaalada Nairobi 18-kii May, waxa uu carabka ku adkeeyay xaqa ay Somaliland u leedahay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.
Mr. Richard Onyonka, waxa uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay aqoonsiga Somaliland.
Dhinaca kale, Maxamed Saalax oo ka mid ah Muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadanka Kenya oo xaflada dabaal dega ka qeyb galay ayaa TV-ga Press TV u sheegay in dalkiisa Somaliland uu u qalmo in la siiyo aqoonsi buuxa.
“Waxaanu samaynay deganaansho aanu ka hirgelinay gobolka qasan, taasina waa inay beesha caalamka ku riixdaa inay aqoonsadaan madaxbaanidayada qaranimo ee aanu xoriyadaydii kala soo noqonay Soomaaliweyn,”ayuu yidhi Maxamed Saalax, oo la hadlayay Press TV.
Weedhaha wasiirka  wadanka Kenya uu ku sheegay  inuu dalkiisu wadamada Afrika ku boorinayaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland ayaa u muuqda mid hormood u ah dabaylaha siyaasadeed ee ka socda dunida, isla markaana wuxuu rajo iyo yididiilo gelinayaa shacbiga Somaliland, balse weedhaha sarkaalkaa ayaa ka cadhaysiin kara cadawga Somaliland ee geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii loo hor istaagi lahaa qadiyada citiraaf raadinta Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *