Berbera(ANN) Madaxweyene Axmed Siilaanyo ayaa dalbaday inuu la kulmo masuuliyiinta gobolka Saaxil ee laamaha iyo Hay’addaha dawladda, si uu warbixino uga dhegeysto masuuliyiintaa,  isagoo hawshaa u xil saaray Badhasaabka gobolka Saaxil Mr. Maxamud Cali Hayste Ramaax. Hase yeeshe

waxa soo baxay fadeexado maamul xumo. Kadib markii ay ku hungoobeen masuuliyiinta Sagaal isu duwe wasaaradood oo ka mid ahaa masuuliyiinta uu dalbaday inuu la kulmo Madaxweynuhu, kuwaas oo lagu wargeliyay inaanay ku jirin Liiska Magacyadda uu dhigay halkaa Badhasaabku.

Masuuliyiinta Madaxweynaha la kulmay Caawa ayaa ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera, Isuduwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Isuduwaha Wasaaradda Kalauumaysiga Iyo Khayraadka Badda, Maamulaha Kastamka, Maamulaha Wershedda Laydha iyo Maamulaha Wakaaladda Biyaha Berbera.
Halka Masuuliyiinta Isuduwayaasha Wasaaraddaha Dhalinyarda iyo Ciyaaraha, Macdanta iyo Biyaha, Hawlaha Guud iyo Guriyaynta, Ganacsiga iyo Wersheddaha, Beeraha, Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare, Duulista Hawadda, Caafimaadka, Xisaabiyaha Gobolka iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga, kuwaas oo markii ay ka xaadireen gurriga martida ee madaxweyne ku qaabilayay Masuuliyiinta gobolka Saaxil lagu war geliyay inaanay ku jirin Liiska magacyada la dhigay albaabka.  Badhasaabka gobolka Saaxil Mr. Ramaax iyo Maayarka Berbera ayaa midba midka kale amaan dusha ka huwiyay, isla markaana qaabka loo maamulay masuuliyiinta Haya’ddaha iyo laamaha dawladda ee Madaxweynuhu dalbaday inuu la kulmo si uu warbixino uga dhegeysto ayaa noqday fadeexado si weyn daaha uga feyday maamul xumada masuuliyiinta sare ee gobolka, kuwaas oo ka cabsi qaba inay warbixinaha ay  masuuliyiinta laamaha wasaaraddaha iyo Haya’ddaha dawladu madaxweynaha siiyaan warbixino saamayn ku yeesha xilalkooda oo fashiliya mushkiladaha iyo duruufaha maamul ee ay ka cabanayaan bulshada gobolka Saaxil.

Qaar baddan oo ka mid ah Bulshada Gobolka  Saaxil oo ku doodaya in aanay wax isbedel ahi ka dhicin gobolka ayaa tusaale usoo qaatay sawirka Madaxweynihii hore Daahir Rayaale oo sudhnaa Xafiiska Maayarka markii uu Madaxweyne Siilaanyo booqday, taas oo ay ku tilmaameen astaan si cad u muujinay inuu Maayarku weli u haysto inay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale xilka hayso, iyadoo badhasaabka gobolka saaxil Mr. Ramaax oo Xukuumadda cusub ee Siilaanyo u magcawday gobolka Saaxil ay shiiqday fir-fircoonidii maalmihii u horeeyay uu muujiyay, isla markaana ay qaar baddan oo ka mid ah Bulshada Saaxil u arkaan hadda Nin ku dhex milmay  koox yar oo Maayarku madax u yahay, kuwaas oo  markii horeba sida ay doonaan u maamulayay arrimaha gobolka Saaxil.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo waxa kaloo uu kulamo la yeelan doonaa mudada uu joogo halkaa Odayaasha iyo ganacsatada gobolka Saaxil, iyadoo ay jiraan kooxo doonaya inay Madaxweynaha kala hadlaan sidii loo kicin lahaa Wershedii Sibidhka ee Berbera oo xiligii xukuumaddii Rayaale ay ku sawirtay inay maalgelin gelin ku samaynayaan ganacsato deegaanka Saaxil u badani, balse sheekada Wershedda ee xiligaa ayaa ugu danbayntii ku ururtay mid waxba kama jiraana oo la doonayay oo keliya in loogu kaanbayngareeyo Xukuumaddii xiligaa ee Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigeedii UDUB.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *