Hargeysa(ANN)Madaxtooyadda Somaliland, ayaa warar borobagaando ah oo lagu daabacay warbaahinta maxaliga ah iyo shebekaddaha Internet-ka qaarkood, kaga jawaabtay dhawaaq cod dheer ay Hay’adda Caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha Amnesty International kaga

 

dalbatay inay shuruud la’aan kusoo deyso Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ka mid ah madaxdhaqameedyada ugu caansan Bulshada Soomaalida.
Boqor Cismaan Buur-madaw oo mudo afar bilood ka baddan ku xidhaan Xabsiga Hargeysa, ka dib markii ciidamada boolisku ka qabteen Madaarka Hargeysa 15 March 2012, ayaa lagu eedeeyey qodobada 215 iyo 212 ee xeerka Ciqaabta, balse todobaadkii hore, ayaa lasoo geba-gebeeyay dhegeysiga dacwadiisa oo mudo ka socotay maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaana lagu xukumay hal sano oo xadhig, iyadoo loo cuskaday qodobka 268, kaas oo aan wax xidhiidh ah la lahayn eedaha xeer Ilaalinta, isla markaana ka mid ahayn qodobada lagu eedeeyay, balse garsooraha maxkamadda ayaa laalay labada qodob ee hore loogu eedeeyay Boqor Csimaan, wuxuuna ku riday xukun hal sano ah oo aanu sharaxaad ka bxiin, sababta uu ugu cuskaday.
Garyaqaanka u doodayay Boqor Cismaan, ayaa xukunkaa ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn oo ay rafcaan ka qaadanayaan marka uu la tashado dhinaca uu qareenka u yahay. Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa dhinacooda sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan. Hase yeeshee Madaxtooyadda Somaliland, ayaa amar ku bixisay in Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) loo wareejiyo  xabsiga Mandheera 8 July 2012, Iniintii Todobaadkii hore maalin ka dib markii ay guul-daraysatay  ee lagu waayay eedaymihii loo haystay ee Xeer ilaalintu kusoo oogtay Boqor Buurmadow, kuwaas oo uu  ugu xidhnaa xabsiga Hargeysa muddo Afarta bilood ku dhowaad ah.
Boqor Buur-madaw, ayaa xabsiga Mandheera lagu geeyay si jujuub ah, isagoo xaaladiisa caafimaad aanay wanaagsanayn, waxaana loo diiday Siyaasiyiin iyo Xildhibaano doonayay inay  dawooyin ka daba geeyaan, kuwaas oo dhawr saacadood lagu haystay Kaantaroolka dhinaca Barri ee Magaalada Hargeysa, balse saacado ka dib dawooyinkaa ugu geeyay xabsiga Mandheera oo masaafo ahaan aad uga fog xabsiga Hargeysa, isla markaana aanay suurta gal ahayn Madaxdhaqameed  maxbuus ah oo xanuuno baddan lihi inuu ku noolaado, iyadoo aanay jirin sabab kiiska aan weli dacwadaiisu dhamaan ee ka  socoto maxkamadda in loo masaafuriyo xabsi fog oo aanu xataa fursad u helayn inuu kiiskiisu socdo, ama daryeelkiisa caafimaad ee xanuunada baddan ee uu qabo.
Talaabada xukuumadda Somaliland ee madaxtooyadda oo ahayd mid si weyn rayal caamka bulshada uga yaabisay, isla markaana loo fasiray inay u muuqato aargoosi diyaasadeed iyo tacadi ka dhan ah dastuurka Somaliland xeerarka dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah, ayaa sababtay in ay arrinta soo fara geliyaan qaar ka mid ah Dawladaha waaweyn iyo hay’addaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo marar baddan hore kala hadlay xukuumadda Somaliland xadhiga Boqor Buur-madaw oo beesha caalamku u aqoonsantahay hogaamiye nabadeed. waxayna  hay’adda  caalamiga ah ee Amnesty International kasoo saartay Odhaah Caam ah (Public Statement)
12 July 2012, iyadoo baaqeeda ku tidhi sidan:-
“Ururka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Amnesty International waxay ugu baaqaysaa madaxda Somaliland inay si deg-dega oo bilaa shuruud ah usii dayaan Hogaan Dhaqameedka Boqor Cismaan Maxamuud Buur-Madow, kaasoo ah maxbuus ra’yigiisa u xidhan. Amnesty International waxa kale oo ay ugu baaqaysaa madaxda Somaliland in la baabiiyo xukunka  lagu riday Boqorka, oo 8dii bisha July lagu xukumay hal sano oo xadhig ah kadib markii loo cuskaday inuu “caayey sarkaal dawladeed”.
Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow wuxuu xidhanyahay ilaa bishii Maarij 15keedii 2012, isagoo laga qabtey madaarka caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu kasoo laabtey dalka Imaaraadka Carabta. Arinta lagu xidhay Boqorku waxay ku saabsantahay dhaleecayn uu u jeediyey safar uu Madaxweynaha Somaliland ku tagey dalka Shiinaha sanadka 2011dii.
Amnesty International mar hore u dirtey warqad ku socota madaxda Somaliland ugna baaqday in la siidaayo, laakiin ilaa maanta wax jawaaba lagama hayo. Amnesty International waxay ku cadeysay qoraalkeedaas in la xidhay dacwad ciqaab ahna loogu oogayo iyadoo waxa uu sameeyey kaliya ay ahayd inuu isticmaalay xaqiisa xoriyatul qowlka kaasoo uu dammaanad qaaday qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland iyo waliba qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (Universal Declaration of Human Rights).
9kii July, maalin uun kadib markii la xukumay, Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow waxaa laga qaaday magaalada Hargeysa lana geeyey xabsiga Mandheer oo ilaa 70km u jira Hargeysa, xabsigaasoo la sheegay inuu yahay mid adag. Waxanay sii kordhinaysaa cabsidii laga qabay xaaladiisa caafimaad, oo Amnesty Internationalna sida arintu tahay ugu baraarujisay madaxda Somaliland. Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow waxaa ka go’day daawada dhowr bilood ka hor taasoo looga soo qoray dalka Imaaraadka Carabta  si uu ula tacaalo dhiig-kar iyo xanuuno kale. Waxaa haboon in si dhakhso ah loo siidaayo si uu u helo daryeelka caafimaad ee uu u baahanyahay. Inta uu xabsiga ku suganyahayna, madaxda Somaliland waxaa waajib ka saaranyahay inay xaqiijiyaan inuu helay daryeel caafimaad oo ku haboon.” Ayay  ku tidhi Hay’addu qayb ka mid ah baaqeeda oo ay si adag ugaga hadashay xadhigaa, iyadoo naqdiyay dulqaad la’aanta masuuliyiinta iyo madaxda dawladda Somaliland, isla markaana sharaxaad ka bixisay qaabka dacwadu u socotay iyo sida uu xukunku u dhacay.

Waxayna qayb kale oo baaqeeda ka mid ah ku tidhi, “Dacwadda ka dhanka ahayd Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow waxaa kharibay nidaamdarooyin ay Amnesty International rumaysantahay in la siyaasadeeyey. Dhawaan, xeerilaalintu waxay ka rafcaan qaadatey xadhiga Boqorka lagu xukumay 8dii bisha July, si ay uga joojiso Boqorka inuu xadhiga ganaax ugu badesho uu xabsiga kaga soo baxo, taasoo uu u oggolyahay qodobka 109 Xeerka Ciqaabta in lacag lagu bedasho xadhiga ka yar hal sanno.”
Hase yeeshee xukuumadda Somaliland, ayaa saacado ka dib markii ay warbaahintu daabaceen baaqa hay’adda xuquuqda Aadamaha todobaadki hore, waxay suuqa gelisay warar sheegay in cafis lagu sii deynayo Boqor Cismaan Buur-madaw, isla markaana qoraal sii deyntiisa la xidhiidha uu qoray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Dhinaca kale koox waxa soo baxay warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo dalbay inuu la kulmo koox Odayaal  ah, kuwaas oo laga keenay dhinaca deegaanka Boqor Cismaan kasoo jeedo ee gobolka Sanaag, kuwaas oo aan u muuqan qaabka loo qaabilay Odayaal ku yimi dalabka Madaxweynaha.
Warar la xidhiidha arrimahaa ayaa tibaaxay in aanay abaabulada Odayaasha iyo wararka  la xidhiidha sii deynta Boqor Cismaan ay dhamaantood yihiin, kuwo Borobagaando ah oo la doonayo oo keliya inay jawaab u noqdaan cadaadiska Baaqa Hay’adda Caalamiha ah ee Amnesty International iyo dawlado waaweyn oo beesha caalamka ah, kuwaas oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay deynta Boqor Csimaan iyo sidii xoriyadiisa loogu celin lahaa, balse xukuumadda Somaliland oo doonaysa inay muujiso inay aqbashay dalbakaa oo ay marar baddan dhegaha ka furaystay inay aqbashay oo ay hawshii fulinayso, iyadoo dhinac wada qorshe ay wadaan wasiiro ka tirsan xukuumadda oo arrimahaa doonaya inay qaab kale uga dabaashaan, kuwaas oo ku wargeliyay Odayaasha loo yeedhay inay  heshiis la galaan Boqor Buurmadaw ka hor inta aan xabsiga laga sii deyn, isla markaana ku wargeliyay inay kala shaqeeyaan madaxweynaha doorashada madaxtooyadda  ee 2015, marka la gaadho. Sidoo kale xoggo kale ayaa tibaaxaya in sii deynta Boqor Cismaan oo loo diiday  rafcaan iyo inuu iibsado xukunka midna, ama uu debeda joogo inta la gaadhayo derejada labaad ee maxkamadda aanay suurta gelayn, maadaama ay dalka ka maqantahay Marwadii koowaad ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo ay tibaaxaha arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan inay jiraan waxyaabo aan dhinaca madaxtooyada ka suurta gelayn joogitaankeeda mooyee. Sidaa awgeed qoraalka cafiska ee warbaahinta maxaliga ahi maalmahan qorayeen aanay ahayn go’aan dhamaystiran oo si dhab ah uga soo baxay madaxtooyadda, balse loooo qadimay oo laga soo hormariyay borobagaando ah in lasii daayay Boqor Buur-madaw oo cafis madaxaweyne lagu sii daayay, taas oo hada waxba kama jiraan noqotay . kadib markii la waayay ficilkeeda iyo fulinteeda.      
Si kastaba ha ahaatee dhawaaqa hay’adda caalamiga ah ee xuquuda Aadamaha iyo dhawaaqyada beesha caalamka ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo lagaga dalbanayo ilaalinta xoriyatul qawlka, karaamada iyo sharafta muwaadiniinta  iyo dumuqraadiyada Somaliland ku faani jirtay, ayaa u muuqda kuwo dhega laga furaystay, balse saamayn iyo cawaaqib xumo ku keeni kara geedi socodka nidaamka duqumraadiyada Somaliland iyo taageerada beesha caalamka ee qadiyada Somaliland.  
.Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *