Brussels(ANN)Fadeexado lagu lunsaday lacag malaayiin dollar ah oo lala xidhiidhiyay masuuliyiinta dawladda Somalia, ayaa debeda lasoo dhigay. Kadib markii  Kooxda  Baadhista iyo dabagalka Somalia oo  loo yaqaan  (Monitoring Group)  soo saartay labadii maalmood ee u danbeeyay

 

warbixin daaha ka fayday fadeexado waaweyn oo si weyn loogu qaadaa dhigay warbaahinta.
Kooxda  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baadhista qaabka loo maamulay dhaqaalaha  soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin dheer  oo ay soo saartay ku  eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay lunsadeen hanti gaadheysa 131-milyan oo doollar.

Masuuliyiinta lagu eedeeyay  fadeexadahaa, ayaa laga xusay,  Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,  Afhayeenka baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul  wasaaraha dowladda KMG ah, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamul  goboleedka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole.
Af-hayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan:
Warbixintu waxay ku eedeysay, Shariif Xasan Sheekh Aadan in ku dhex-jiray lunsasho hanti Qaran iyo bixin qandaraasyo uu siiyay dad isaga saaxibadiis ah laga bilaabo markii loo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo ku-xegeenka ra’iisul wasaaraha xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke. Ka hor intii aanu noqon Af-hayeenka Baarlamaanka oo ay xililka uu hayay wax baddan u suurta geliyeen.
Warbixintu waxay sidoo kale ku eedeysay Shariif Xasan inuu ka qayb-galay qaadashada lacag dhan 3-milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan bishii Abriil ee sannadkii 2009-kii. Shariif Xasan ayaa wuxuu sidoo kale lacag hal milyan ($1) oo dollar ah ka qaatay shirkadda SKA Air Logistics oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Warbixintu waxay intaa  ku dartay in Shariif Xasan iyo rag kale oo  ganacsi ka dhexeeyo oo laga xusay: Shariif Axmed Ba’alaawi,  Jeneraal Gaafow oo ah madaxa waaxda socdaalka ee dowladda KMG ah iyo qusulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Imaaraadka Carabta iyo  Cabdulqaadir Sheekhey ay saami  (share-holder) ku leeyihniin shirkadda Mondial Technology Information oo qandaraas lagu siiyay inay daabacdo dal-kugalka (Passport) Soomaaliya.
Shariif Xasan waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu heshiis gaar  ah la galay dowladda Suudaan si ay u soo daabacdo lacag shillin Soomaali ah  oo gaadhaysa (Sh. 1000, 2000, 10,000, 20,000, 50,000 iyo 100,000) oo la qiimo ah illaa 150-milyan oo doolar, balse lacagtaa ayaa beesha caalamka ee taageerta arrimaha Somalia joojiyeen.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Gaas:
Warbxintu waxay sheegtay inay hayaan caddayn muujinaysa inuu  ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas si joogto ah warqado ugu qori jiray waaxda canshuuraha ee dekedda Xamar, kuwaas  oo uu kaga codsanayo in canshuur dhaaf la siiyo shirkado iyo shaqsiyaad gaar,  isagoo sabab uga dhigayay inay shaqo dowladeed hayaan.
Guddiga baadhista ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu deeqday xukuumaddii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo lacag gaadheysa  10- milyan doollar, isla markaasna $5-milyan oo doollar ay siisay xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas.
Ra’iisul wasaare C/weli Gaas ayaa u sheegay guddiga baadhista in $3.5 milyan oo doollar oo ka mid ah lacagtii ay dowladda Imaaraadka ku deeqday aanay soo gaadhin oo ay lunsatay xukuumaddii ra’iisul wasaare Farmaajo.  Sidoo kale  ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay guddiga inuu lacag $5 milyan ah dhigay Bangiga dhexe ee dowladda Soomaaliya, laakiin lacagtaa in  bangiga dhexe la dhigay caddayn lagama hayo, waxaana soo baxay oo warbixinta lagu sheegay inay halkaa ka muuqdaan  farqi u dheexya warbixinta ay  dhiibtay wasaaradda maaliyadda iyo caddaymaha bangiga dhexe yaalla.
Ra’iisul Wasaarihii hore  ee dowladda KMG  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo:
Guddiga baadhistu, waxay ku sheegeen warbixintaa in aanay  wax  wareysi lama yeelan ra’iisul wasaarihii hore, Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, laakiin ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in lacag dhan $3.5 milyan ay ku maqan tahay xukuumaddii Farmaajo, lacagtaa oo qayb ka ah $10 milyan oo doollar oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya.  sida lagu sheegay warbixintaa.
Madaxweyne  Shariif Sheekh Axmed:
Waxa kaloo Warbixinta  lagu sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen lacag dhan $3 milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan si loogu hormariyo hay’adda nabadgelyada Soomaalia (Somaali National Security Agency). Waxaa xusid muddan in arrinta madaxweyne Shariif lagu eedeeyay uu fuliyay Cabbaas Sheekh Maxamed (Jimcaale) oo ah agaasimaha shirkadda ASMJ General Trading, kaas oo qaraabo  la ah madaxweyne Shariif,  sida uu guddiga baadhista u xaqiijiyay qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.  Cabbaas Maxamed ayaa xidhiidh dhow la leh dowladda  KMG ah,  isla markaasna si joogto ah ugu sii hormariya lacago iyo raashina siiya ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Waxaa kaloo warbixintu sheegtay in boqolkiiba soddon (30%) lacagta dowladda soo gasha ay maamulaan saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG ah oo kala ah madaxweynaha, afhayeenka Baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha.  Lacagta ku baxday saddexdaas xaafiis waxay sannadkii 2011 gaadhaysay $12.6-milyan, halka kharajka ku baxay ciidamada ammaanka uu ahaa $13.4 milyan oo keliya.
Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa lala xidhiidhiyay musuq-maasaqa warbixintu daboolka ka qaaday.
Madaxweyne  maamul  goboleedka Puntland, C/raxmaan Sheekh Faroole ayay warbixintu ku eedeysay inuu qandaraasyo siisay shirkado shisheeye ah oo si sharci-doarro ah hub u soo galiyay deegaannada uu madaxda ka yahay taasoo kasoo horjeedda cunno-qabateyntii  hubka ee ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya

Sharikaddahaa  qandaraasyada uu siiyo madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa lagu sheegay warbixinta inay  ka mid yihiin: Pathfinder Corporation, Canmex, Africa Oil, Puntland Exploration Security Unit.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeyay dhowr jeer oo hore inay lug ku leeyihiin eedeymaha loo soo jeediyo ee ku saleysan lunsashada deeqaha la siiyo Soomaaliya iyo hantida Qaranka. Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu diyaar u yahay in baadhis lagu sameeyo halka ay maraan deeqaha Soomaaliya ay ka hesho dalalka dibadda.
Hase yeeshee Bankiga Adduunka ayaa shirkii ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga bishii Juun ee sannadkan kusoo bandhigay warqado ku saabsan lacago fara badan oo loogu deeqay Soomaaliya, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay mareen. Iyadoo madaxda Soomaalidu ay sheegeen inaanay  soo gaadhin lacagahaasi.
Warbixinta waxa kaloo lagu sheegay qaabka loo musuq-maasaqay  lacag ka baddan Hal Milyan oo dollar, taas oo ahayd lacagta laga qabto Baasaboorka cusub ee Somalia oo laga qaado dadka inta u dhaxaysa $ 100 – 300, isla markaana lacagtaa si gaara loo leexsaday. Sidoo waxa warbixintu daaha ka fayday in Baasaboorka qaab foolxun loo maamulay oo ay arkeen dad laba jeer qaatay, taas oo ay sheegeen inay lumisay kalsoonidii lagu qabay, isla markaana ka dhigtay baasaboorka mid aan waxba ka duwanayn kii lagu beedelay ee dawladii Somalia.
Waxa kaloo warbixintaa lagu xusay inay Masuuliyiinta dawladda KMG ee Somalia dad aan u qalmin siiyeen Diplomats Passport, kaas oo ay sheegeen in Madaxweyne Shariif siiyay dad qaramada midoobay xayiraad saartay ganacsigooda iyo dhaqdhaqaaqooda. Sidaa awgeed ay suurta gal tahay inay qaar ka mid ah kooxaha aragagixisada uu u gacangalay oo ay waxyeelo ku geysaan karaan, iyagoo ku safraya Diplomats Passport-ka dawladda Somalia bixisay, waxayna kooxda warbixintaa qortay tusaale u soo qaateen qaar ka kid ah Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira dawladda taagta daran iyo ciidamada AMISOM ee Somalia oo haysta baasaboorada lagu aqoonsado dublamaasiyiinta,  iyagoo tusaale usoo qaatay sida lagu xusay warbixintaa afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo haysta laba Baasaboor oo mid yahay Dublamaasi Passport,  isla markaana ay taasi tahay khatar weyn oo dhinaca amaanka ah. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *