Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa meel mariyay soo jeedin golaha Guurtida Somaliland kaga timi oo la xidhiidhay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Doorashooyinka golayaasha Degaanka iyo madaxtooyada ee N0: 20. ka dib markii  Aqalka

Guurtida oo wax-ka badal ku sameeyey xeerkaa kusoo celiyay golaha wakiilada.
Xeerka oo Mudanayaasha Wakiiladu hore u ansixiyeen, iyagoo ka dhigay in musharaxiinta lagu kala garto Nambaro, balse waxa ka dhashay muran iyo Khilaaf lagu kala aragti duwanaa markii loo gudbiyay Aqalka Guurtida, kuwaas dib ugu soo celiyay golaha Wakiilada, isla markaana soo raaciyay lifaaq ahaa in astaamaha musharixiintu noqdaan calaamado oo  meesha laga saaro inastaanta musharaxiinta lagu kala garanayaa noqoto nambaro.
Fadhigii maanta ee wakiilada oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa lagu meel mariyay soo jeedinta lifaaqa xeerkaa ee Guurtida oo ahayd in Calaamado ay isticmaalaan musharaxiintu, iyagoo ku dooday inay namabaradu keenayaan dhib baddan, isla markaana aanay dadka miyiga ee Bulshada Somaliland u badantahay aanay fahmi karin nambaradaa. Sidaana waxay Goluhu  ku ansaxiyeen  xeer No 20 oo ah xeerka Doorashada Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.
Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo hadal kooban xildhibaanada u jeediyey ayaa u sharaxay xeerka doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, waxaana markaa aka dib golaha cod loo weydiiyay in la raaco soo jeedinta Guurtida iyo in sidii golaha wakiiladu ku anxisiyay loo daayo.
43 Xildhibaan oo madasha hoolka fadhiga, ayaa  19 xildhibaan u codeeyeen in xeerkaa loo qaato sidii golaha wakiiladu ku ansixiyeen, halka 23 mudane u codeeyeen in xeer N0: 20 loo qaato sidii ay Golaha Guurtidu soo jeeiyeen, hal mudane ayaa ka aamusay, gudoomiyahuna ma codayn, sidaasna waxaa ku ansaxday soo jeedintii Golaha Guurtida ee xeer N0: 20, taas  oo ahayd in Musharaxiinta golayaasha deegaanku ay astaan ku galaan doorashada.
Dhinaca kale komishanka qaranka, ayaa danaynayay in xeerkaa loo raaco habkii ay ku ansixiyeen golaha wakiiladu, balse golaha guurtida, ayaa is hortaagay qorshaha ay wakiilada iyo komishanka doorashooyinku ka wada socdeen ee Xeerkaa doorashooyinka Deegaanka ee aan weli la cayimin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *