kulanka qadaddaHargeysa(Araweelo New Networks)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan qado-sharaf dhoolatus siyaasadeed ah u qabtay xubnaha Golaha Dhexe ee

 

ku jiray liiskii shirguddoonka shirweynihii 3aad ee KULMIYE hore u soo saareen, kuwaasoo la safan madaxweynaha.

Qado-sharaftan oo la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo fidiyey, inkastoo aannu ka qaybgelin kulanka oo ka dhacay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, balse, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno tiradooda lagu sheegay 267 ka mid ah Golaha Dhexe ee KULMIYE, kuna jiraan wasiirro iyo masuuliyiin dawladeed.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey kulankaas qado-sharafta ah, ayaa sharaxay ujeeddada loo qabtay, isagoo xusay inay tahay casuumad madaxweynuhu ugu talogalay xubnaha Golaha Dhexe ee ka kala yimi gobollada dalka, diyaarkana u ahaa inay ka qaybgalaan shirkii Golaha Dhexe ee garabka madaxweyne Siilaanyo hore ugu baaqeen inuu qabsoomo 1 June 2014 oo ku beegnayd Axaddii shalay, balse dib loo dhigay, markii guurtidu bilawday dhexdhexaadinta labada dhinaca ee khilaafka KULMIYE ka dhexeeyo.

“Waxaynu hore u muddaynay in Shirka Golaha Dhexe inoo qabsoomo 1 June (Axaddii shalay), waxaanna soo dhexgalay Golaha Guurtida, khilaafkaasina wuu iska dhamaan doonaa. Qado-sharaftan aynu isugu nimo waxa inoo inno fidiyey Madaxweyanaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maadaama dadku isaga yimi gobolada dalka, waxaannu idinku wargelinaynaa inuu dib u dhacay shirkii aynu u ballansanayn,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Md.  Xasan Siciid Yuusuf oo ka hadlay madasha qado-sharafta lagu sameeyey, ayaa sheegay inay qaateen, isla markaanna aqbaleen soo jeedin ay madaxweyne Siilaanyo ka heleen oo la xidhiidhay in aannu shirku qabsoomin, lana sugo ergada dhexdhexaadinta ah ee Guurtidu ku hawlan tahay.

“Maanta waxay ahayd maalintii loo ballansanaa inuu furmo shirkeennii, waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinyaa sida weyn ee rikoodh jabiska ah ee aad uga soo qaybgasheen kulankan, sidaad la soctaan, waxaan doonayaa in aan idinku wargeliyo in fadhigii Golaha Dhexe ee inoo furmi lahaa baaqday, kadib markii guurtidu soo dhexgashay khilaafka. Markaa guddida fulinta ee xisbigu waxay iyagoo tixgalinay codsiga madaxweynaha iyo kan Golaha Guurtida waxay go’aamiyeen in dib loo dhigo shirkaas, arrintuna waxaan filayaa inay maalmo kooban qaadato oo hawsha dhexdhexaadintu dhamaato, markaa ha fogaanina, waa la idiin yeedhi doonaa marka khilaafku dhamaaado,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *