Hargeysa(ANN)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta  lasoo hordhigay mooshin debeda lagaga soo shaqeeyay oo nuxurkiisu ahaa in gebi ahaanba la laalo diiwaan gelintii lagu galay doorashadii u danbaysay ee madaxtooyada Somaliland 26 Jun 2010, Isla markaana diiwaan gelin la’aan lagu

 

galo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dhowaan ka qabsoomaan Somaliland oo ay ku tartamayaan ururada siyaasadeed ee dalka lagaga dhawaaqay.
Mooshinkaa oo ahaa mid lama filaana golaha loo horgeyeey maanta, waxa   soo gudbiyay 47 Mudane, waxayna qodobada ku jiray qoraal ahaan markii hore nuxur ahaan tilmaamayeen  in wax ka bedel lagu sameeyo diiwaangelintii hore, balse mooshinkaa ayaa ugu danbayntii kusoo ururay sadex qodob oo ay u codeeyeen mudanayaasha wakiilada ee madasha kasoo xaadiray.
Fadhigaa  Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Gudoomiyaha aqalkaasi. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa madasha ka soo xaadiray 48 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.
Goluhu waxa kale oo ay cod ku go’aamiyeen in Diiwaan gelin la’aan lagu galo doorashada goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa iyo diiwaan gelin rasmi ah dalka laga sameeyo ka hor doorashada Golaha Wakiilada.
Sadex qodob oo Goluhu u codeeyay iyo codbixintu siday u qabsoontay waxay u dhacday sidan:-
1- In la laalo diiwaan gelintii hore codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June 2010-kii, waxa ogolaaday 34 Mudane, 9 Xildhibaan way diideen, 4 Mudane way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codaynin sidaa ayaana goluhu ku meel mariyay oo qodobkaasi ku ansaxay.
2- In Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haya lagu galo diiwaan gelin la’aan, waxa ogolaaday arrintaasi 37 Mudane, 5 Xildhibaan way diideen, 5 Mudane way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaana waxa lagu meel mariyay qodobkaa.
3- In Doorashada Golaha Wakiilada ka hor la sameeyo diiwaan gelin rasmiya oo dhamaystiran waxa ogolaaday 42 Xildhibaan, cid diiday may jirin, 5 Mudane way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaa ayaanu ku ansaxay qodobkaasi.
Dhinaca kale mooshinkaa ayaa abuuray doodo ay  rayal caamka bulshada  wax iskaga weydiinayaan oo shaki iyo calaamatu su’aal ka abuuraya ujeedooyinka siyaasadeed ee ka danbeeya, iyadoo aanay jirin wax doodo ah oo mudanayaasha goluhu ka yeesheen mooshinkaa, balse u muuqday mid debeda lagu soo qorsheeyay, taas sii xoojisay eedaymihii iyo tuhunkii mudooyinkii u danbeeyay gudoomiyaha mucaaridka UCID iyo Kulmiye ku dhaleecaynayeen inay mudanayaashu sharcigii ay dhowaan ansixiyeen ee sheegayay inuu Ururo siyaasadeed ku biiri karaan, ama samaysan karaan iyagoo aan ka tanaasulin xildhibaanimadii xisbiga ay kasoo baxeen. Kadib markii dood iyo muran siyaasadeed ka dhashay Gudoomiyaha golaha wakiilada ooh ore uga soo baxay xisbiga UCID uu ku dhawaaqay Urur siyaasadeed la baxay Wadani, kaas oo ay xildhibaanada golaha intooda badani qayb ka yihiin.
Axsaabta mucaaradka ayaan weli ka hadlin meel marinta golaha ee mooshinka ay ku laaleen diiwaangelintii doorashada, taas oo xiligii xukuumaddii Rayaale ee lagaga adkaaday    doorashadii madaxtooyada ee kal hore  muran badani ka dhashay in lagu dhaqmo iyo in lagu galo doorashada iyadoo aan la isiticmaalin wax diiwaan gelin ah, waxaana xiligaa ka dhashay muran iyo khilaaf siyaasadeed oo galaafan gaadhay xiligaa amaanka iyo qaranimada Somaliland, balse ugu danbayntii waxay xisbiga Kulmiye oo ahaa mucaaradka  ugu awooda baddan iyo wadamadii danaynayay  nidaanmka doorashooyinka Somaliland ku khasbeen xukuumaddii xiligaa in lagu galo doorashada diiwaan gelintaa oo dib u sixid lagu sameeyey, taas oo ay ku baxeen malaayiin dolar, isla markaana wadamada taageera geedi socodka doorashooyinka Somaliland ku bixiyeen dhaqaalle iyo juhdi baddan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *