Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood adag ka yeeshay siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland, isla markaana waxay  ugu baaqeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  inay  xoojiso shaqada  xafiisyada iyo safaaradaha Somaliland ku

 

leedahay dalka dibadiisa.
Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha ahna ku simaha Guddoomiyaha Siciid Jaamac Cali waxa Fadhiga doodooda ka soo jeediyay dhawr mudane kuwaasi oo tallooyin u soo jeediyay xukuumada iyo wasaaradda Arrimaha dibada.
Md. Cabdilaahi Sh. Xasan oo ka mid ah Xildhibaanadii ka hadlay fadhigaa ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in socdaalada Wasiirka Arrimaha dibaddu ku tago dalalka dibada lagu xoojiyo Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
“Wasiirka Arrimaha dibaddu socdaalo ayuu dibada ku tagaa waanu soo noqdaa, wuu inoo waramaa oo waxa uu inoo sheego uun baynu qaadanaa Gole ahaan way fiican tahay inaynu dhegaysano, waxaanse soo jeedinayaa in socdaalada dibadda  ee Wasiirka u baxo lagu darro Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida &Wakiiladda) si loo xoojiyo qadiyadeena oo loo tuso in loo dhan yahay,”ayuu yidhi Cabdilaahi Sh. Xasan.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa ku dooday in xafiisyadii Somaliland ku lahayd dalalka dibadu ay dabceen “Safaaradaheena dibada iyagana beryahan dambe guux yar ayaa ka jira kiro  lagu yeeshay ha noqoto ama wax kale Wasiirka Arrimaha dibada waynu u yeedhn ay Gole ahaan inuu ina hor yimaado oo waynu waydiin doonaa,”ayuu yidhi Md. Dheeg.
Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay wasaarada Khaarajiga inaanay  dabcin safaaradaha Somaliland u fadhiya adduunka, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay safaaradaheena dibadu yaanay inaga dabcin waa inay shaqeeyaan oo ay waliba Safaarada Soomaaliya ka dhaqaale bataan oo  ay ka muuqdaan Inay ka dawladaysan yihiin.
Xildhibaan Dheeg waxa uu tilmaamay in wasaarada arrimaha dibadu ay samaysay dhaqdhaqaaqyo iyo dedaalo badan oo siyaasadeed, waxaanu xukuumada u soo jeediyay inay dedaal u gasho sidii baasaboorka Somaliland ay dunidu u aqbali lahayd.
Md. C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka soo laabtay dalka Kenya ayaa sheegay in Somaliland ay magac balaadhan ku mutaysatay kaalmadii ay gaadhsiisay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee ku jira Xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya. Waxaanu tilmaamay in dawlad Kenya ay arrintaasi ku tilmaantay tallaabo weyn oo Somaliland qaaday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *