HiiraaleAxmed madoobeKismaayo(Arraweelo News) Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland

 

Mudane Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe” , waxayna u mahad celiyeen xildhibaannadda cusub oo ay sheegeen inay si xaq ah u doorteen  Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe”

Sidoo kale Maamul goboleedka Puntland iyo IGAD ayaa taageeray  doorashada Axmed Madoobe oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland.

Sheegashada Axmed Madoobe ee Doorashada , ayaa abuurtay muran xaalad hor leh oo siyaasadeed. Kadib markii uu Bare Hiiraale dhinaciisa sheegtay in isaga loogu  doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland shirkii mudada ka socday Magalada Kismaayo.

Doorashada Shirka muddada ka socday Kismaayo, ayaa ergooyinkii ka qaybgalay  wararka  qaar ay sheegayaan in ergooyinkii matalayay deegamada qaar ay hore u qaadaceen shirk aka hor intii aan la gaadhin natiijada doorashada.

Waxayna labadan hogaamiye mid walba dhinaciisa u sheegtay  in isaga loo doortay Maamulka Jubbaland ee Kismaayo, taas oo u muuqata khilaaf siyaasadeed iyo xaalad isu bedeli karta dagaal inuu halkaa ka qarxo.

Labada Nin eek u muransan Madaxweynaha Maamulka ayaa dagaalo hore ugu dhexmareen Magaalada Kismaayo dhawr sanadood ka hor, waxayna ahaayeen laba hogaamiye kooxeed oo Malayhsiyaad dagaalo ku dhexmareen deegaanka kala hogaamin jiray.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *