bre1Ceergaabo(Arraweelo News) Muran iyo khilaaf ka dhashay qaabka loo qaybinayo Raashinka Caawimada dhowaan dawlada Turkigu bixisay ee  saamiga laga siiyay gobolka

 

Sanaag ayaa sababay in gacanta loola tago Badhasaabka Gobolka. Kadib markii khilaaf ka dhashay  qaybinta Raashinka iyo habkii loo maamulay oo abuurtay sawaxan.

Dad goob joog ah ayaa u sheegay weriye ka tirsan shebekaddaha Arraweelo News in  Badhasaabka  Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geele  ay isku maandhaafeen raashinka xildhibaano  ka tirsan golaha deegaanka Ceergaabo, kuwaas oo uu doonayay in talaabao laga qaado, isagoo ku eedeeyay inay lunsadeen raashinkii Caawimada ahaa ee dadka Masaakiinta la doonayay in la gaadhsiiyo, balse Muran ayaa dhexmaray Boqor Maxamed Nuux oo ka mid ah Madax-dhaqameedka  Ceergaabo, taas oo keentay in uu dhirbaaxo Badhasaabka gobolka oo xiligaa oo doonayay in talaabo laga qaado xildhibaanada.

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha dhacdadaa waxa goobta lagu fara saaray Badhasaabka taagnaa Taliyaha Booliska Gobolka Sanaag oo aan wax Talaabo ah ka qaadin arrintaa.

Madax-dhaqameedka ayaa sida ay weriyaha u sheegeen dadka goobtaa joogay  diidanaa in talaabo laga qaado ilaa todoba xildhibaan oo lagu eedaynayo inay ku kaceen  musuq-maasuq iyo wax isdaba marin la xidhiidha raashinka gargaarka ah ee la doonayay in lagu caawiyo dadka danyarta ah.

Arrintan ayaa debeda u soo saartay inuu jiro  musuq-maasuq  iyo in la lunsaday raashinkii caawimada ahaa ee gobolka marka laga reebo Degmooyinka qaar sida Ceel-afweyn, Gar-adag  iyo Badhan  oo midiiba dhawr  todobaad ka hor loo diray 4,000 kiish, iyadoo aan la ogayn in dadkii loo qorsheeyay uu gaadhay raashinkaasi iyo in la leexsaday.

Balse waxa jira cabashooyin isa soo  taraya oo la xidhiidha qaabka loo maamulay saamiga raashinka  caawimada dawlada Turkigu bixisay oo la filayay in la gaadhsiiyo dadka jilicsan ee masaakiinta ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *