Hkulanka komishanka iyo1argeysa(Araweelo News Network)Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI, UCID iyo xubno ka socday dalalka

qaadhaan-bixiyayaasha Somalialand ka taageera geedi-socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Komishanka Doorashooyinka qaranka.

Kulankaa oo albaabadu u xidhnaayeen oo qaatay dhawr saacadood ayaa saxaafadu debeda ka joogtay, balse markii kulankaa laga soo baxay waxa warbaahinta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay sidii Somaliland looga qabanlahaa doorashooyin ku qabsooma waqtigooda oo lagu galo diiwaangelin. Sidaa awgeed waxay sheegeen in kulanka oo soconaya ay suurta gal tahay in maalinta beri lasoo gebagebeeyo oo war muritiyeed kasoo saari doonaan marka lasoo geba-gebeeyo kulankaa.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi wuxuu isagoo kulankaa ka hadlaya yidhi,  “Wax kulankan laga wadahadlayey sidii ay doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda u dhici lahayd, kulanka waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, iyo deeqbixiyaasha, iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkuna maanta ayuu si rasmi ah u bilaamay illaa caawana wuu soconayaa, marka shirku markuu soo gabogaboobo ayaan ka hadli doona natiijada.”Ayuu yidhi.

Sidoo kale Gudoomiyaha UCID, Faysal cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay kulankaa ka dib, ayaa yidhi, “Runtii wadahadaladii laga wadahadlayey Diwaangalinta Doorashada iyo sidii ay doorasho inagu qabsoomi lahayd  way socdaan, deeq bixiyayaashina way nala joogan,waxanu filaynaa in wax wanaagsan ka soo baxo  Berito oo doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *