Xuddun(ANN) qaar ka mid ah Odayaasha Degmadda Xuddun ee duleedka Taleex ayaa sheegay inaanay waxba kala socon kooxda shirka Taleex, isla markaana aanay aqblayn wixii kasoo baxa shirkaa oo ay sheegeen inuu yahay mid la doonayo in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada
Somaliland oo ay wateeaan koox yar oo quraba joog ah, kuwaas oo sida ay sheegeen kusoo duulay nabadgelyada deegaanka.
Sidoo kale waxay Odayaashaa oo ku sugan deegaanka Xuddun oo Weriyaha Burco ee Araweelonews, kula xidhiidhay khadka taleefanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay wax ka qabato baahiyaha degmada ee bulsho iyo maamul ahaanba, waxayna sidoo kale ka codsadeen inay Xukuumaddu degmada u samayso Ciidan Boolis oo tayo leh, isla markana ay maamulka degmada ay badhi taarto wixi inkaaniyaad ah ee ay u baahan yihiina u dhamaystirto.
Odayadan oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Yaasiin Cabdi Shekh iyo Caaqil Jaamac Maxamed Xasan ayaa waxa ay hadalkooda ku bilaabeen “Degmada Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool, isla markana xukunta degaan aad u balaadhan ayaa waxa ka jira baahiyo badan oo xukuumadda Somaliland dayacday iyada oo waqtigan degmada Taleex oo ay Xudun xad la wadagto uu ka socdo shir Somaliland lidi ku ah oo ay wataan kooxo qurba joog ah, kuwaas oo kusoo duulay nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana aanan raali ka hayn oo aanaan aqbalay wixii kasoo baxa shirkaa oo laga yaabo inay degmadan saamayn ku yeeshaan sidaa darteed mar walba bulshada waxa saamayn ku yeesha cidii wax u qabata hadaba Xukuumadda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay wax ka qabato baahiyo badan oo iyadana u dan ah kana jira degaanka Xudun bahiyahaas oo ay u horayso inay Xukuumadu degmada u samayso Ciidan Boolis ah oo tayo leh. Sidoo kalena inay maamulka dawlada hoose ee degmada badhi taarto wixii baahiya ee ay u baahan yihiina u dhamays tirto si ay hawlahooda u qabsadaan waxa kale oo aanu ka codsanaynaa inay baahiyaha kale ee degmada ee leh Caafimaadka iyo Waxbarashadda ay wax ka qabato” ayuu yidhi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com