Midawga Afrika1Addis-abba (Araweelo News Network) Wasiiradda arrimaha Debeda ee Urur goboleedka  IGAD, ayaa ku baaqay in shirka Maamulka loogu samaynayo Jubbooyinka Kismaayo lagu qabto Magaaladda Muqdisho, kaas oo ay

sheegeen in dawlada Somalia maamulay.
Madaxda wasiiradda arrimaha debeda IGAD, waxay sidaa ka sheegeen shir magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia  uga socda, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda urur-gobolledka IGAD, oo lagaga hadlayay xaaladda Kismaayo, taas oo ka danbaysay muran iyo khilaaf ka dhashay shir mudo ka socday Xarunta Jubbooyinka ee Kismaayo oo natiijadiisu keentay muran kaddib markii lagaga  dhawaaqay laba madaxweyne.

Dhawaaqa Madaxda wasiiradda Arrimaha debeda IGAD ayaa ka danbeeyay kadib Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socday IGAD oo toddobaad kahor gaadhay magaalada Kismaayo, kuwaas halkaa kula kulmay dhinacyada isku haya hoggaaminta Kismaayo ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaa oo  Magaaladda Kismaayo ka socday mudooyinkii u danbeeyay ayaa la sheegay in lagu doortay Axmed Sheikh Maxamad Islaaam oo ku magac dheer Axmed Madoobe, balse Aadan Barre Shire (Hiiraale) ayaa  isaguna sheegay in loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland, taas oo abuurtay muran iyo khilaaf, iyadoo Dawlada Somalia ee Federaalku hore u shaacisay in aanay aqbalayn natiijada shirkaa oo aanu waafaqsanayn dastuurka Federaalka.

Go’aanka Guddiga xaqiiqo raadinta ee ka soo laabtay Kismaayo ayaa warbixintooda u gudbinayay maanta madaxda urur-goboledka IGAD, kuwaas oo shaaciyay in shirka Maamulka loogu samaynayo Jubbooyinka lagu qabto Muqdisho, isla markaana uu noqdo mid ay dawladu Maamusho.

Sida uu sheegay Safiirka Djibouti u fadhiya Midowga Afrika, Maxamad Idris Faarax, shirarka ayaa socon doona muddo, isagoo xusay inay iyagu  taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ee la xidhiidha maamul u samaynta gobollada dalka, taas oo uu sheegay inay tahay Masuuliyadda dawladda Somalia.

Shirka ay Madaxda ka socday Urur goboleedka IGAD kaga hadleen arrimaha maamulka Kismaayo ee Soomaaliya ayaa  barbar socda shir-madaxeedka Midowga Afrika oo berrito magaalada Addis Ababa loogu dabbaaldegayo kadib 50 guuradii kasoo wareegtay markii ururkaa lagu aasaasay caasimadda xarunta dalka Ethiopia, iyadoo shirkaa ay ka qayb gelayaan Madaxweynaha dawlada Federaalka Somalia iyo madax kale oo ka socda Midawga Afrika, Hay’addo caalami ah iyo dublamaasiyiin shisheeye.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *