Marka laga yimaado qabyada iyo sida ay aanay Xukuumadda Somaliland iyo Golaaysha sharci dejintu u diyaarin ilaa hadda xeerka Maalgashiga dalka oo wax badan ka iftiimin lahaa habka iyo nidaamka loo wadaagayo, ama

loo wada yeelanayo khayraadka dalka.

Waxa jira afar nooc oo ka mid ah heshiisyada dhinaca Khayraadka dabiiciga ah iyo shidaalka, kuwaas oo mid walba saamayntiisa leeyahay, tusaale ahaan nooca (Concision Royalty/ Tax)  oo dunida laga mamnuucay wixii ka danbeeyay 1960, waa nooc heshiiskaasi u danaynaya shiradda ee maaha mid u danaynaya in dalkaasi ka faa’idaysto khayraadkiisa.

Sababtoo ah maamulka khayraadka waxa uu awood u siinayaa in shirakadda,  ama cidda lala galay sida y doonto u maamusho, waxaana 12.5%, ama  11% – 14% wax ka yar qaadanay dawlada, taas oo kharash ahaan looga jarayo.

Hase yeeshee nooca heshiiskaa oo shirkaddo badan oo reer galbeed ah iyo dilaaliin ku boobeen khayraadka wadamo badan oo Afrikaan ah ayaa dunida laga mamnuucay wixii ka danbeeyay lixdanaadkii.
Dalka Yaman  ayaa ka mid ah meelaha ama dalalka heshiiskaa lagu dhacay. Kadib markii Shirkad uu lahaa Nin dilaal ah u dhashay dalka Maraykanku heshiis la galay Imaamkii Yamanta Woqooyi xukumayay 1955, balse mar kale ayaa heshiiskaa oo kale khayraadka Saliida dhinaca Koonfurta Yaman 1981 heshiis sidan oo kale ay la galeen shirkaddo laga leeyahay wadamada reer galbeedka, kuwaas oo ka faa’idaystay mushkilad dhinaca dalalka Khaliijka oo aan doonayn in dalka Yaman laga soo saaro shidaal kaga imanaysay xukuumaddihii labada Yamanood ee xiligga.

Heshiiskan ayaa muran iyo doodo ka taagnaayeen wixii ka danbeeyay sagaashanaadkii markii ay labada Yamanood midoobeen, kadib markii ay xukuumadda Yaman u aragtay in aanu ahayn mid caddaalad ah, isla markaana caqabad ku ah inay khayraadkooda ka faa’idaystaan, tusaale ahaan meelaha muranka ugu badani ka taagan yahay heshiiskaa, wax aka mid ah qiimaha Foostada Batroolka ee ceedhiin waxa loo xisaabiyaa dalka Yaman qiimihii la siin jiray lixdan sanadood ka hor, iyadoo ay awoodi weynday in heshiiskaa wax laga bedelo, balse xukuumadda cusub ee dalka Yaman ee uu hogaamiyo Cabdi-raboo Mansoor Al-haddi ayaa wada qorshe la doonayo in arrimahaa heshiiska shidaalka iyo kuwo kale wax lagaga qabto, iyadoo la doonayo in dastuurka dalkaa dib u habayn lagu sameeyo  marka la gaadho 2014, si loo saxo khaladaadka heshiisyada shidaalka.

Waxa kale oo muran ka taagan yahay qaabka heshiiskaa loogu qoondeeyay baaxada dhulka laga baadhayo shidaalka, kaas oo heshiisku dhigayo inay shirkadda la siiyay kontoraaga sida ay doonto u maamusho.

La soco qaybo kale

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.

E-mail Jaamac132@gmail.com/

info@araweelonews.com

www.arraweelo.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *