Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa xilka kala wareegay shalay guddoomiyihii hore Dr. Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane), kadib markii dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday. Xaflad loo sameeyey xil-wareejinta oo lagu

qabtay xarunta Maxkamadda Sare, kana qaybgaleen garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan, ururrada qareennada, madax, xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo martisharaf kale, waxa labada masuul ka jeediyeen hadallo dardaaran iyo ballanqaad isugu jira.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dr. Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane) oo xafladdaasi ka hadlay, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo guddoomiyaha cusub ee xilka kala wareegay, isagoo u ballanqaaday inuu la shaqayn doono.
Dr. Oomane waxa uu u tilmaamay guddoomiyaha xilka kala wareegay caqabadihii isagu la soo kulmay muddadii uu xilka hayey isagana sugayaan, “Intii aannu xilka haynay waannu soo haynay, xilka maalinba nin baa jooga, ceeb ma leh xilku. Waxa weeye in qof laga qaado qof kalena loo wareejo, waa inuu qofba mar hayo, waa in qofkii looga maarmi waayo la saaro, waxaanan ballanqaadayaa inaan la shaqaynayo gudoomiyaha cusub wixii talo iyo toosin ahba diyaar ayaan ula ahay,” ayuu yidhi.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare waxa uu sheegay in caddaalad-darrada dalka ka jirta ay masuul ka yihiin siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedku, waxaannu ku wargeliyey Guddoomiyaha cusub inay kuwaasi sugayaan.
“Waxa ugu daran kuwa xildhibaanada ah oo odhanaya ummad dhan oo i dooratay ayaa dabada iga wada ee xilkaa la iyaga xayuubinayaa haddii aanan kiiska wax ka qaban. Waxa xaq-darrada la sheegayaa ku timaaddaa siyaabo badan; siyaasiga ayey ka soo bilaabmaysaa oo dadweynaha ayey ka soo bilaabmaysaa oo odayaal sita cumaamado badan oo dalka lagu cashariyey oo taydan oo kale ah (cumaamad uu sitay) oo aan la garanayn cid diratay oo aan dheg la qabto lahayn ayaa xafiiska soo galaya.
Awooduhu waa ay badan yihiin guddoomiyow awoodahaas oo dhan adiga ayey kugu soo ururayaan oo cumaamadiina waa laguu soo gashanayaa, wasiirkiina haddii Alle idmayo wuu imanayaa. Xildhibaanku waxa uu ku odhanayaa waanagii barigii ku ansixiyay, waxaas oo dhan baa jira waa ay kuwada qaanabayaan oo waa dayn ansixintu.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha cusub ee xilka Maxkamadda Sare la wareegay Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa u mahadceliyey guddoomiyihii hore muddada uu dalka u soo shaqeeyey iyo talooyinka uu siiyeyba.
Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil waxa uu shaaciyey tallaabooyinka uu doonayo inuu qaado si caddaaladda dalka wax looga qabto, waxaannu yidhi; “Waxaan ballanqaaadayaa inaan garsoorayaasha kula dhaqmo sida ay xeerka u toosiyaan, garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha waliba Xeer-ilaaliyaha Guud ee u xilsaaran hawsha gudida caddaaladda inaan kula xisaabtanno shaqadooda u hufnaantooda iyo waliba daacadnimadooda iyo sida ay xeerka ugu dhaqmaan garsooraha is yeelyeelaya waan garanayaa iyo garsooraha sida wanaagsan u gudanaya shaqadiisa, caddaaladdu macnawiyan waa 2 + 2, ka yeeli maayo qareennada inay isugugaynta laba iyo laba 5 noqoto.”
“Caddaaladda waxaynu wada toosin karnaa marka markhaatigu toosiyo oo ka run sheego wixii arkaayey iyo wixii maqlaayey ee laga run sheego shanta dareeme,” ayuu yidhi Guddoomiye Yuusuf.
Waxa kaloo xusay inuu waxbadan ka qaban doono kiisaska dacwad-sugayaasha muddada badan ku jiray jeelasha dalka iyagoon la xukumin

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *