Hargeysa(ANN)Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay ajandaha golaha horyaal ee kalfadhiga  Afartanaad. Kadib markii ay maanta isugu yimaadeen kulan. fadhiga

 golaha  oo ka dhacay maanta Hoolka sare ee  xarunta dhismaha wasaaradda arimaha gudaha Somaliland, waxa  guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, iyadoo  ay ka soo xaadireen madasha fadhiga 46 Xildhibaan. Gudoomiyaha  ayaa hadal kooban uu mudanayaasha ujeediyey ka hor intii aanay ansixin qodobada ajandahu ka kooban yahay,  waxa uu ku sheegay in la soo xadiday qodobada uu ka kooban yahay ajandaha kalfadhiga 40-naad ee Golaha Guurtida, isla markaana loo baahan yahay in cod loo qaado ansixintiisa.

Waxaana ansixinta qodobada kalfadhiga 40-naad ogolaaday 39 mudane, 5 mudane ayaa diiday midna wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codeyn. Sidaa ayuuna ku  ansaxay gebi ahaanba qodobada uu ka kooban yahay Ajandaha golaha horyaal, qodobadaas Ajandaha oo ahaa sidan;-
1.   War-bixinta Shir-guddoonka
2.   War-bixinta Gudida Joogtada ah
3.   Arimaha Siyaasada ee Gudaha iyo Dibedda
4.   Nabadgalyada iyo Horumarinteeda
5.   Wacyi-gelinta Dadweynaha ee dhinaca amniga iyo nabadgalyada guud
6.   Xoojinta hawlgalada Socdaalka ee ku wajahan la socodka  dhaq-dhaqaaqyada dadka ka imanaya daris-yadeena
7.  Arimaha Bulshada
8.  Tayeynta iyo dib u eegista siyaasada waxbarashada
9.  Horumarinta adeegyada kala duwan ee dhinaca caafimaadka
10. Ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV-Adis-ka
11. Arimaha dhaqaalaha iyo ganacasiga
12. Duruufaha dhaqaale iyo siyaabaha looga gudbi karo
13. Ilaalinta iyo daryeelka deegaanka
14. Mashaariicda Xeerarka
15. Xeer hoosaadka Baarlamaanka
16. Dhamaystirka mashruuc xeer ee nabadagalyada wadooyinka
17. Dib u eegista xeerka nabadglayad guud ee dalka
18. Diyaarinta mashaariicda xeer
19. Budhcad badeedka, Argagixisada iyo wixii kale ee soo kordha.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *