Berbera(ANN) Ciidanka Bilayska ee ka hawlgala Madaarka caalamiga ah ee Magaalada Berbera ayaa maanta gacanta ku dhigay Nin sitay waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado ee sunta  Boodharka ah. Sida ay shebekada wararka ee Arweelonews  u xaqiijiyeen caawa

saraakiil ka tirsan Ciidanka Bilaysku Ninkaa ayaa la qabtay markii lagu arkay waxyaabo sun Boodhar ah oo uu sitay, taas oo loo malaynayo inuu doonayay in hawlgal lagu fuliyo. Qabashada Ninkaa ayaa ka danbaysay markii gabadh ka mid ah Bilayska ka hawgala madaarka oo baadhaysay  waxyaabaha ay dadka soo degay siteen ay aragtay Bac uu sitay Ninkaasi oo ay ku jiraan wax Boodhar ah oo shaki abuuray,  sidaana xabsiga loogu taxaabay Ninkaa oo ka yimi dhinaca magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee gabdhii baadhitaanka samaysay oo Askariyad ah  Ayaan shiino ayaa waxyar ka dib gashay Koomo. Kadib markii ay ku sumawday baadhista ay ku samaysay wixii uu sitay Ninka la qabtay, taas oo ay Ursatay markii ay ka shakiday, balse wixii waqtigaa ka danbeeyay ay xaaladeeda Caafimaad is bedeshay, iyadoo gashay Koomo, isla markaana Dibiro lagu arkay.
Gabdhaa ayaan xal loo helin ilaa caweyskii caawa sida uu shebekada wararka Araweelonews u sheegay mid ka mid ah saraakiisha hawshaa la socday.
Dhinaca saraak kale oo ka tirsan Bilayska ayaa u sheegay shebekada Araweelonews inay ciidanku fashiliyeen hawlgal la doonayay in laga fuliyo Somaliland, kaas oo sida uu sheegay u muuqday mid qabyo ah oo aan isu soo dhamaan, balse ay Bilaysku ka war heleen kadibna sidaa lagu fashiliyay, iyadoo la qabtay hal Nin oo u dhashay Koonfurta Somalia,  Qoryo iyo Rasaas, isla markaana si weyn  looga shakisan yahay inay jiraan dad gudaha ku sugan oo qorshaha hawlgalka la fashiliyay qayb ka ahi. Laakiin ay ciidmada amaanku ku raad joogaan.
.   By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *