Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Maamul goboleedka la baxay Ximan iyo Xeeb ee badhtamaha Soomaaliya Mr. Maxamed C/llaahi Macallin Aadan (Tiiceey) oo socdaal ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa bulshada caalamka ugu baaqay inay

 tixgeliyaan jiritaanka iyo rabitaanka madaxbannaanida shacka Somaliland.

Mr.  Tiiceey oo maanta shir jaraa’id ku qabay hudheelka Maansoor, ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho martiqaad rasmiya oo uu a helay xukuumadda Somaliland, isaoo shacabkana ku hambalyeeyey horumarka ay gaadheen iyo nabadgelyada.

Ugu horayn waxa uu Maxweynuhu waxa uu faahfahin ka bixiyey ujeedad safarkiisa oo ay ku weheliyaan laba wasiir oo maamulkiisa ka tirsan iyo goortii la aas-aasay maamulka uu Madaxweynaha ka yahay iyo sababihii dhaliyey, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa, .”Anigoo ku hadlaya magaca maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan gobollada dhexe baaxadiisuna tahay 480 Km, dhinaca balacana ah 180 km, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo xukuumadda Somaliland, anigoo hambalyo io sallaan ay u soo direen walaalahooda Somaliland uga wada shacabka Ximan iyo Xeeb. Socdaalkaygu wuxu khuseeyaa sidii Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Ximan iyo Xeeb xidhiidh dhinaca amniga iyo ganacsigaba u wada yeelan lahaayeen.”

Maxamed Tiiceey waxa uu bulshada caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka iyo xukuumadda Somaliland, “Waxaan shacabka Somaliland ku bogaadinayaa doorashadii xorta ahayd iyo sidii ay u dhacday oo aan u arkayay inaanay ka dhicin meel kale o Afrikada xorta ah, islamarkaana aan lahayn qalalaase oo si wanaagsan u dhacday iyo dhinaca amniga ee ka jira Somaliland, waxaan leeyahay walaalahayga Somaliland inay xejistaan nimcadaa ay haystaan. Bulshada caalamka waxaan ugu baaqayaa inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka iyo xukuumadda Somaliland.” ayuu yidhi

Intaa ka dib waxay warbaahintu Madaxweynaha halkaa ku weydiiyeen dhawr su’aalood oo u dhacay sidan;

Su’aal: Madaxweyne, miyay jiraan masuulliyiin xukuumadda ka tirsan oo kugu qaabilay halkan, goormaase la aas-aasay maamulka Ximan iyo Xeeb?

Jawab: Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa la aas-aasay 2008 bishii afraad,waxaana magaalo madax u ah Cadaado,  waxaanay ka timi rabitaanka shacabka, islamarkaana waxaa majaraha u hayay dad qurbojooga, si amni iyo kala danbayn loo helo. Intii ka horraysay 2008 deegaankaasi wuxuu ahaa mid dhinaca amniga iyo kala danbaynta ay aad u xumayd oo aanay ka jirin waxyaabihii kaabaha u ahaa nolosha aas-aasiga ah sida waxbarashadii iyo caafimaadkii, mudadii aan xilka haynay ugu yaraan shan kun oo arday ayaa hadda iskuula tagta, amniguna meel fiican ayuu marayaa oo noloshii ayaa dib u soo noqotay.

Intii aan joogay Hargeysa madax badan waan la kulmay, inkastoo aanan jeclayn inaan magacaabo, laakiin madax badan oo Somaliland ah ayaan la kulmay.

Su’aal: Madaxweyne dadku waxay is-weydiiayaa xidhiidka ka dhaxayn kara Somaliland iyo maamul-goblolleedka Ximan iyo Xeeb ee ka jira Somaliland?

Jawaab: Xidhiidhkaasi wuxuu noqon karaa wacyi badan, waxaanu wada deganahay hal qaarad, weliba adaan dib u soo noqdo hal dal oo Somalia laysu odhan jiray ayaanu wada deganay, waxaa imanaya xidhiidh badan oo dhinaca ganacsga iyo amniga, waayo waxa laga yaabaa amni darada ku timaada aamulada kale inay u soo gudbi karto Somaliland.

Halkan [Somaliland] waxaan ku imi casuumad aan ka helay Somalilad, safarkaygana waxaa igu weheliya laba wasiir oo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb.

Su’aal: Maamulkiinu ma leeyahay, ciidan, calan iyo lacag u gaara, maamulkiinu ma wuxuu hoos tegayaa Dawladad Federaalka Somalia, sideebaase u aragtaan madaxbannaanida Somaliland?

Jawaab: Maamul iyo dawlad way kala duwanyihiin, Somaliland waa dawlad, Ximan iyo Xeeb-na waa maamul-gobleed, markaa maamulku lacag khaasa ma yeelan karo, wuxuuse yeelan karaa ciidan khaasa oo amniga ilaaliya.

Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqadas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, haday shacbku dowladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ha horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *