dilka xildhibaan
Mogadishu(Araweelo News Network) Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay dilka loo gaystay xildhibaan Cabicasiis Isaaq Mursal oo ah xildhibaankii labaad ee lagu dilo magaalada

Muqdisho muddo 24 saacadood ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka loo gaystay xildhibaan Mursal.

Xildhibaanka ayaa la dilay kaddib markii lagu soo weeraray maanta gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana wararka laga helay deegaanka lagu toogtay sheegeen in
Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan tiradooda oo ku hubaysan Baastoolado toogasho la beegsadeen.

Waana xildhibaankii labaad oo la dilo 24 saacadood ee u danbeeyay, iyadoo shalay weerar lala beegsaday  xildhibaano lagu khaarajiyay Xildhibaan Isxaaq Riino, isla markaana weerarkaa dhaawacyo kasoo gaadheen xildhibaano kale.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka xildhibaanka iyo weerarka xildhibaanadii shalay eek a dhacay Muqdisho, waxayna sheegeen inuu farriin u yahay shirka ka socda magaalada Muqdisho ee laga hadlayo ammaanka.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in maqribkii ilaa  caawa caweyskii Magaalada Muqdisho laga maqlayay dhawaaqa madaafiicda, kuwaas oo sida ay sheegayaan wararku lala beegsaday goobo muhiim ah oo xarumo u ah dawlada Somalia.
Saldhigga Xalane oo ay ku yaallaan xarumo waaweyn oo hoy u ah ciidamada shisheeye ee AMISOM, ayaa ka mid ahaa meelaha lala beegsaday madaafiicda, balse lama ogga khasaaraha ka dhashay weeraradaa.

Duqaymaha iyo weerarada maanta ee Muqdisho ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweynaha Burundi Pierre NKurunziza booqasho ku yimi magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweynaha Burundi kulan kula yeeshay Xerada Xallane Madaxweyne Xasan sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Debeda Somalia.

Sidoo kale waxay weerarada isdaba jooga ah ee dhacay kusoo beegmeen saacado ka dib markii Qaramada Midoobay sheegatay inay shaqaalaheed kala baxay Muqdisho iyagoo ka cabsi qaba in xaaladu sii xumaato.

Dhacdooyinkan u danbeeyay ayaa muujiyay werwer laga qabo in xaalada amaanka Muqdisho faraha kasii baxdo, isla markaana ay meesha ka baxdo rajadii riyada ahayd ee hogaamiyayaasha maqaar-saarka ah ee Somalia ku sheeganayeen guulo laga gaadhay Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *