Gaboobe1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay in xeer ilaalinta gobolku faafiso war ay ku sheegayaan in maamulka

 

Wargeyska Haatuf diideen waraaqo yeedhis ah oo looga keenay xeer-ilaalinta ama maxkamadda gobolka Hargeysa haba-yaraatee.

Mr Yuusuf Gaboobe oo daba-socday war maalintii Isniintii ka soo baxay xeer ilaaliye ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mirre oo uu ku sheegayo in masuuliyiinta Haatuf ay diideen inay u hogaansamaan waraaqo yeedhis ah oo looga keenay xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka ka hor intii aanay xarunta wargeyska 7-dii bishan April la wareegin ciidamada Bilaysku.

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo arintaa faahfaahin ka bixinayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Warqadii xukunka iyo xayiraada ee ay kalidood gaadheen iyagoo ah garsoorihii, xeer ilaalintii, baadhihii iyo markhaatigii ayaanay ilaa hada si rasmi ah noo soo gaadhsiin waraaqo u yeedhis ah oo kale oo ay na soo gaadhsiiyeena xayiraadii ka dibna habayaraatee ma jirto. Ninkan xeer ilaaliye ku xigeenka gobolka ahi waxan uu ku hadlay waa been qayaxan oo sideedii ah, indho-adaygnimadiisa waa ninka ka hadlay arrin aanu waxba ka ogayn xogna ka haynin, waxaanu u muuqdaa sidii nin la soo khasbay oo la soo adeegsaday. Tusaale ahaan inaanu ninkani waxba ogayn waxaan cadaynaysa sida uu iskugu jac-burinayey xeerka ciqaabta iyo xeerka saxaafada oo aan u malaynayoba inaanu akhriyinba, waayo xeerka saxaafadu wuxuu dhigayaa in hadii warbaahinta dacwad lagu soo oogayo in loo soo marro xeerka madaniga ah, isaguna waxa uu ka hadlayey fal-dambiyeed (Crime) sidii oo uu ka hadlayo qof la dilay ama la kufsaday, Waana nin been cad iskaga badheedhay oo waxay la mid tahay beenihii hore ee ay ka sheegi jireen Wargeyska Hubaal markii la fulinayey shirqoolkii ka dhanka ahaa ee uu soo maleegay Baashe Cawil isaga oo adeegsanaya Ina Fadal”.

Guddoomiyaha Haatuf  Mr Gaboobe isaga oo ka hadlaya dacwadda uu ku xigeenkaasi sheegay in loo haysto, waxa uu yidhi “Ninkan xeer ilaaliye ku xigeenka ah anigu shalay xafiiskiisa ayaan ku doontay  waxaan islahaa waydii bal goorta iyo goobta uu noogu keenay waraaqaha u yeedhista ah ee uu sheegayo, laakiinse nasiibdaro xafiiska muu joogin oo waan ka waayey. Hase yeeshee haddii cidi dacwad noo haysato daw-bixiye ayaanu nahay ee waddada sharciga ah hanaloo soo marro oo yaan waxaan jirin lagu meeraysanin, meheradayadana faraha ha laga qaado, haddiise Haatuf ay eedaysane tahay ha u xidhnaato dawladda Siilaanyo sanadka u hadhay. Imika wixii ka danbeeyana waxaanu ka digtoonaan doonaa in la doorto Madaxwayne danbe oo warbaahinta wax ka sheegta albaabada u laaba”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Haatuf.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *