ciise xamari1

Hargeysa(Araweelo News Network)Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Yuusuf  Maxamed (Ciise-xamari), ayaa iska casilay Xilkii Gudoomiyanimo, kadib markii uu qoraal

 

u gudbiyay xubnaha Komishanka, kuwaas oo aqbalay, isla markaana doortay gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha Komishanka ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay arrimo shakhsi ah. Sidaa awgeed uu gu’aansaday in uu baneeyo xilka. Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxey Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu ku sexeexan yahey Agaasimaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf.

Warsaxaafadeedka kasoo baxey Xafiiska Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee lagu cadeeyay in Ciise Xamari baneeyay xilka jagada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Gudoomiyaha buuxiyay xilkaasi ayaa u qornaa sidan:- “Maanta oo ay Taariikhdu tahey 22ka April,2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsha Weynta Reer Somaliland,Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada iyo daneeyeyaasha Doorashooyinka:

1)In Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu arimo shakhsi ah awgood codasdey in uu baneeyo jagada

Gudoomiyaha KDQ taas oo uu qoraal rasmi ah kaga codsadey xubnaha KDQ 20kii April 2014;  

2)Xubnaha KDQ waxa ay si wadajir ah uga aqbaleen (unanimously agreed) in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu baneeyo jagada Gudoomiyaha kDQ iyagoo uga mahad celinaya wada shaqeyntii xilkasnimadii,masuuliyadii iyo hogaamintii wacneyd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Gudoomiyaha KDQ.

3)Sidoo kale, waxa ay xubnaha KDQ siwadajir ah (unanimuosly) ugu doorteen shalay oo ay taariikhdu ahayd 21kii April xilka Gudoomiyaha KDQ Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay illaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo howshaa culus.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *